Khadiija bin abid oo ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda masiixiyiinta dalka tunis kana mida hogaanka sare ee ururka Nidda’tunnis ayaa dabka sigaar ay cabaysay ku bakhtiisay mid ka mida xaashiyaha qur’aanka kariimka ah oo ay kasoo jartay kitaabka qur’aanka kariimka ah, waxaanay sawiro ay arrintaasi ka qaaday soo dhigtay barta ay ku leedahay mareegta ay bulshadu ku kulanto ee facebook-ga.
Arrintan ayaa waxay abuurtay cadho baahsan oo ay la oogsadeen dad badan oo muslimiin ah oo ku baaqay in talaabo degdeg ah oo arrintan lagaga jawaabayo lagu qaado haweenaydan waxaanay ku wacad fureen muslimiin badan oo dunnida ku dhaqan oo sawirada naxdinta badan daalacday inay dili doonaan kana aargoosan doonaan haweenayda ku dheeldheeshay qur’aanka iyo qawlka eebbe swt.
Gabadh ayaa waxay ka mid tahay hogaanka sare ee ururka Nidda’tunnis oo urur siyaasi ah horena uu usoo hogaamin jiray raysal wasaarihii hore ee dalka tunis beji caid essebsi, waxaanay ku nooshahay magaaladda paris ee xarunta wadanka france, waxaana dhacdadan ay kula kacday qur’aanka kariimka ah ay abuurtay cadaawad adag oo ay u qaadaan dadka muslimka ah ee ku dhaqan dalka tunis iyo guud ahaan dunidaba.
Arrintan ayaa waxay noqonaysa tii u horaysay ee nooceeda ah ee ay haweenay asal ahaan kasoo jeeda wadan carbeed laakiin iyadu aan muslim ahayni ay kula kacdo qur’aanka kariimka waxaanay abuurtay cadaawad dhex marta masiixiyiinta tirada yar ee wadankaasi iyo dadka muslimka ah ee wadankaas ku dhaqan, iyadoo kacdoonadii ka dhacay dalka tunis oo sabab u ahaa kacdoonadii ka dhacay wadamada carabta ee xukunka lagaga tuuray hogaamiyayaal badan oo carbeed oo ka mid ahaa madaxweynihi hore ee dalka tunnis talada dalkaasi la wareegeen xisbiyo islaami ah oo aqlabiyad badan iyo taageero ka haysta wadanka tunnis dhexdiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment