Ardayad lagu magaacabo Emma solkovic waxna ka dhigata jaamacad ku taala dalka Colombia ayaa waxay caan ku noqotay in furaashkeeda ay u qaadato ama ay ula guurto hadba halka ay ku sugan tahay iyadoo suuqyada dhexdeeda iyo goobaha kale ee waxbarashadaba la dhex marta tii oo dagta ku sidata furaashkeeda hurdada, waxaanay arrintani noqotay mid muddoba soo soctay.
Emma ayaa waxay arrintan uga dan leedahay inay muujiso cabasho ay ka tirsanayso maamulka jaamacadeeda iyo booliska wadankaas oo sida ay sheegtay iska indho tiray inay wax ka qabtaan cabasho ay usoo gudbisay oo ahayd tacadi iyo kufsi uu kula kacay mid ka mida ardayda ay wax ka wada bartaan jaamacada, markii ay ku jireen sanadkii labaad ee waxbarashadeeda oo hada ay kasoo wareegtay muddo sanad ku siman.
laakiin emma ayaa sheegtay in muddadas dheer haba yaraate aanay cabashadeeda waxba ka qaban maamulka jaamacada iyo waliba booliska magaalada ay ku nooshahaytoona, waxaanay sheegtay in markii ay dacwadeeda la xidhiidha kufsiga uu kula kacay mid ka mida ardayda ay ku gacan saydheen iyagoo sheegay inaanay cadeyn u hayn, sidaas awgeedna ay go’aansatay inay cabashadeeda u muujiso bulshada inteeda kale waxaanay sheegtay in furaashka ay qaadanayso meel kasta oo ay tagayso ay uga dan leedahay inay ku muujiso dadka dhibaatada ay ka cabanayso oo looga garaabi waayey.
arrintan ayaa si wayn usoo jiidatay warbaahinta wadanka Colombia waxaanay noqotay mid hadal-haynteedu ay gaadho guud ahaaan dalka Colombia iyo guud ahaan caalamkaba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment