
Sida ay sheegayaan wararka sarkaalkan la weeraray ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaddhay rasaastii lagu furay gaarigiisa, waxana Magaciisa lagu sheegay kaliya Maxamed, iyadoo Faahfaahintuna soo Baxayso.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu ahaa Taliye kuxigeenka La dagaalanka Argagixisada, waxaana kooban wararka looga qaateenka ah ee laga helayo Dilkiisa.
Sarkaalkan ayaa dhowaan loo magacaabay xilkaas, kadib markii Bishii Ramadaan ee tagtay la dilay Taliye kuxigeenkii la dagaalanka Argagixisada Ibraahim Ahmed oo koox hubeysan ay gaadhigiisa ku rasaaseeyeen degmada Xamar Jajab.
Dableyda hubeysan ayaa la sheegay inay markii hore ay gaadhi ku hor-gooyeen sarkaalkan gaadhigii uu saarnaa, agagaarka Isgoyska Zoobe ee KM5.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka, waxaana idaacada ku hadasha afkooda ee la yidhaahdo Al-Andulus ay tabisay in weerarkaas lagu khaarijiyay Taliye kuxigeenkii la dagaalanka Argagixisada.
Weerarkan lagu dilay Taliye kuxigeenka la dagaalanka Argagixisadan iyo kii ka horeeyay ayaa isku mid u dhacay, marka loo eego qaabka weerarkan u qorsheysnaa oo dableydii weerartay ay gaadhi ku hor-gooyeen, dabadeedna ay rasaas ku fureen gaadhiga uu la socday.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment