Sunday, February 15, 2015

Booliska Denmarka Oo Toogasho Ku Dilay Ninkii Weerarka Ka Fuliyey Gudaha Copenhagen

Copenhagen:Feb,15,2015(Himilo)-Booliska Dalka Denmark, ayaa sheegay inay Toogasho ku dileen Hal Nin oo la filayo inuu ka dambeeyey Weerar xalay ka Dhacay Badhtamaha Magaalada Copenhagen, kaas oo dhaliyey   dhimasho iyo dhaawac dhacay.

peegBooliska dalka Denmark ayaa sheegay in ninkani ka hor intii aan la dilin uu madaxa ka toogtay qof rayid ah isla markaana dhaawac u geystay labo qof oo Boolis ah, waxaana uu isla markii ka baxsaday goobta. Booliska ayaa xaqiijiyey in ninkaani weerar ku qaadey ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Nørrebro halkaas oo Boolisku ku toogteen.

Booliska ayaa sheegaya in weerarkan ninkaani uu keli ku ahaa, laakiin uu socdo baadhitaan weyn oo gadaal laga shaacin doono qofka uu yahay.

Meesha uu weerarka ka dhacay ayaa 5KM u jirta goobtii uu ka dhacay weerarkii koowaad oo lagu qaaday dhisme uu ka socday siminaar ku saabsan farshaxanka iyo madax-banaanida hadalka.

Dadka fadhiyey siminaarka waxaa ka mid ahaa kartooniiste lagu magacaabo Lars Vilks oo u dhashey dalka Sweden isla markaana caan ku ahaa daabicista sawiro kartoon ah oo uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH), waxaana la sheegay in uu ka badbaaday weerarka. Sidoo kale waxaa joogay Safiirka Faransiiska ee Denmark oo isna xaqiijiyey in aanu dhaawacmin kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Booliska ayaa soo bandhigay Sawirka ninkan oo ay ku tilmaameen in uu geystay weerarkii koowaad, kadib howlgalo aad u balaadhan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weeraradan.

Magaalada Copenhagen ayaa laga dareemay khal khal aad u xoogan oo dhinaca amaanka, waxaana dhamaan hawada magaalada lagu arkayay diyaaraddaha nooca qumaatiga u kaca (helicopters) oo sameynayay roondooyin, waxaana Booliska ay ka cabsi qabaan surtagalnimada weeraro hor leh in ay dhacaan.

Shacabka ayaa looga digay in ay tagaan faras magaalaha Copenhagen ama goobaha ay isku yimaadaan dadka.

Ra’iisul Wasaaraha Denmark haweenayda la yidhaahdo Helle Thorning-Schmidt ayaa cambaareysay weerarkii koowaad, waxayna ku tilmaamtay mid argagixiisnimo arrimo siyaasadeed dabada kasoo riixeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment