Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo aan la garanayn ay ugu dhaceen gurigiisa 2:00 habeenimo ee xalay waqti ay isaga iyo qoyskiisuba jiifeen dabadeedna ay ku fureen xildhibaankan hore rasaas, taasoo keentay inuu isla goobta ku dhinto.Saraakiisha booliiska Kenya ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan qoyska, balse markii ay iska-caabin kala kulmeen ay toogteen oo dileen Godane.
Philip Godane ayaa wuxuu ahaa sayga ay u dhacdo Kule Galma oo ahayd guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinkii deegaanka uu dilku ka dhacay.
Dilkan ayaa wuxuu deegaanka Syokimau ka abuuray xiisad kacsanaan ah; iyadoo shacabku ay dibadda u soo baxeen, xilli ay ka cabanayaan inay xaaladda ammaan ee deegaankoodu noqotay mid aad u sii xumaanaysa.
Taliyaha booliiska gobolka Machakos, Gideon Amalla ayaa saaka booqday guriga xildhi-baanka hore ee la dilay, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuu uga tacsiyeynayo qoyska dilka Godane.
Yatanni ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay in laga hortago kooxaha dilka ka geysanaya deegaannada ku dhow xuduudaha, wuxuuna xusay in dilkan uu qayb ka yahay falal amaan-darro oo ka dhacayay gudaha dalka Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo watay gaadhi ay toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wadanka Kenya oo laga soo doortay deegaanka Kabete oo magaciisu ahaa George Muchai, iyadoo lala dilay laba ilaaladiisii ah iyo darawalkiisii, mana jirto cid weli loo soo qabtay dilkaas.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment