Guddoomiye Jeeniyare oo Warbaahinta shalay kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu cambaaraynayo falkaas Isniintii. Hase-yeeshee, waxa iyaguna geestooda ka hadlay dhacdadaas Odayaal iyo Wax-garad ka soo jeeda Beesha Abokor Muuse oo ka tirsan Beelaha Ciidagale, isla markaana waxay Xukuumadda ku eedeeyey Masuuliyadda Rabshadaha iyo Muranka Tiyaatarkii hore ee Hargeysa ka taagan, kaasoo uu Ganacsade Cumar Caydiid Maalgashanayo.

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) oo isagu arrintaas ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Waannu cambaaraynaynaa dad intay qori qaataan meel gala ama isku day sameeya inay tahay Qaran-ba ma jiro ama dawladiba ma jirto, Ciidanka Booliska waannu u hambalyaynaynaa, Ciidammadii kala ee nabadgelyada kala qayb-qaatay iyo Shacabka arrintaa aan soo dhaweyn meel ay joogaan-ba, wixii waxaas sameeyay Ciidanka Boolisku tallaabo ayay ka qaadayaan ama Ciidammada kala duwan ee Ammaanku, Taliyaha Booliska, Taliye Ku-xigeenka, Hoggaanka kala duwan ee Booliska, Taliye qaybeedyada iyo Ciidammadooda waan u hambalyaynayaa, waxaanu leenahay cidii waxaas isku dayda ciqaab dheeraad ah bay mudanaysaa oo Raggii waxaa isku dayay wixii ku dhacay waa la ogyahay, cid awood sheegan karta oo odhan karta dawladdaanu ka xoog weynahay ama qoryaannu qaadaynaynaa jiri mayso.”
“Ciidammadu wey u tudhayeen waannu ugu hambalyaynaynaa oo dadkooda shacabka ah ee khaldama inay u tanaasulaan, inay in badan la hadlaan oo yidhaahdaan shaydaanka iska naara, inay yidhaahdaan qoryaha dhiga oo soo dega. Ninka shacabka ah ee qaata qori ama huba, toorayna ha ahaatee ee dawlada u hogaansami-waaya ama nabadgeliyo xumo sidii shalay (doraad) nimankaasi sameeyeen oo kale sameeya talaabo sharciga waafaqsan baa laga qaadayaa oo waanu uga digaynaa, inta i maqlaysa iyo inta waxaas oo kale ay ka guuxayaan iyo wax la mid ah waxaanu leenahay cagaha ha la dhigo.”
Guddoomiye Jeeni-yare, waxa uu u soo jeediyey Shacabka in laga waantoobo qof ama koox qoryo qaadata oo isku daya inay nabadgelyada khalkhal-geliyaan, isla markaana raba inay xoog aan suuragal u ahayn wax ku goostaan ama ku dhacsadaan, oo uu xusay inaanay dawladdu u dul-qaadan doonin ee ay tallaabo ka qaadi karto cid kasta oo ku kacda wax dawladnimada lid ku ah.
Cuqaasha iyagu ka hadlay arrintan waxaa ka mid ahaa, Caaqil Maxamed Weerar oo yidhi; “Aqalkaa Tiyaatarka ee ay dawladdu bixisay, tobankii sannadood ee u dembeeyeyba Ninka Muwaaddinka ah ee Aqalka Cumar Caydiid hadal baa daba socday. Wax ay soo socotaba Illaa waqtigaas illaa immika bisha labadeedii ayaa isaga oo cid uu wax yeelay aanay jirin, wax sharci ah oo uu diidayna aanay jirin, nin meesha la lahaana aanu haba-yaraatee jirin weerar dawladeed lagu soo qaaday Ganacsadahaas iyo Shirkaddiisii iyo- dhismihii Aqalkaas oo socda.”
“Weerarkaasna dad shaqaale ah oo shaqada waday ayaa dhinaca xabbad iyo dagaal lagaga qabtay, khasaarena loo gaystay dhismihii. Waxaannu leenahay annaga oo nabadgelyada ku mitidayna in tallaabadaasi ay tahay gar-darro caddaan ah oo aan na qabannin, sidaas darteedna waxaannu Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ka sugaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay wax uga qabato, dadkii dhaawaca ahaa ee iyagoo aan rifeeto loo goyn la xidh-xidhayna xorriyaddooda loo soo celiyo. Waxa kale oo aannu halkan uga mahad-naqaynaa beesha aannu Walaalaha nahay ee ka war-haysa meeshani sida ay tahay iyo xaqiiqada cidda dhabta ah ee meesha iska lihi inay tahay Cumar Caydiid iyo sidii wanaagsanayd ee ay u hadleen ayaannu ugu mahad-naqaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Weerar.
Sidoo kale, Oday Maxamed Diiriye (Xaaji Daarood) oo ka mid ahaa Odayaasha arrintan ka hadlay, waxa uu yidhi; “Annagu Bilayska ayaannu u mahad-naqaynaa mid sare iyo mid hoosa-ba, waxaannu leenahay wixii Bilayska ka sarreeya annagu u mahad-niqi mayno oo waa kuwa dawladda haysta ee wax kala wada, waayo Wixii Bilaysku soo qabto waxa ay u geeyaan Kuwa ka sarreeya, inta wax qasaysaana waa inta Madaxweynuhu ugu sarreeyo ee yaan wax la qasin ee wax halla saxo ayaannu leenahay. Waayo? Aqalkan horreyso iyo dambaysaba Madaxweynaha iyo dadka kaleba waa la ogaa, haddana nin kale ayaa la siinayaa, markaa sidee bay nabaddu u dhacaysaa?.” Waxaanay Odayaashani sheegeen inay dawladda iyo Shacabka-ba nabadgelyada kala shaqaynayaan, balse loo baahan yahay inaanay dawladdu dadka isku dilin ee ay iyadu kala badbaadiso, arrinta murankan joogtada noqday ee Tiyaatarkana go’aan sharciga waafaqsan laga gaadho oo aan maalinba qof cusub oggolaansho loo soo siinnin.
Tiyaatarka Hargeysa ee dhismihiisu socdo oo heshiis sharci ah ay ku siisay Xukuumaddii Daahir Rayaale Ganacsade Cumar Caydiid, isla markaana toban sannadood ka dib ay waqti xaadirkan oo dhismihiisu xaal-xaal yahay uu qayb ka mid ah dhulkaas Madaxweyne Siilaanyo Digreeto kale ku soo siiyey Nin kale, ayaa gadood ka dhashay 2-dii bishan, markii laga bilaabay halkaas Hawl-gal Fulintiisa uu Amray Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iydoo weli aanay wax go’aan ah ka soo saarin Guddi uu Madaxweynuhu hore ugu magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan murankaas, waxaana la sheegay in go’aankaas Fulineed uu qaatay Waran-cadde Madaxweynuhu ku canaantay isaga iyo Duqa Caasimadda Hargeysa ee hawl-galka wada fuliyey.
No comments:
Post a Comment