Abidjan, 12 April, 2015 (Himilo)- Baanka Horumarinta Africa ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland ka taageeri doonaan soo saarista diiwaan u gaar ah oo la xidhiidha qiimaha badeecadaha, kaas oo la jaanqaadaya nidaamka waddamada caalamku u adeegsadaan.
Sida aanu ka soo xigannay war lagu baahiyey mareegta Baanka Horumarinta Africa oo lagaga hadlay socdaal masuuliyiin ka socota ku tageen Somaliland, ayaa lagu sheegay inay kala laabteen wefdigii booqashadaa qorshe lagu taageero qorshayaasha muhiimka u ah xukuumadDa ee la xidhiidha xaalaDda siyaasadeed iyo dhaqaale.
Wefdiga Baanka ayaa lagu sheegay qoraalka inay faahfaahin ka siiyeen Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan wasiirada oo ay kulan la qaateen, mashaariicda wakhtigan socot dalka oo ay maalgeliyaan dhaqaalahoodu gaadhayo 13 Milyan Dollar, kuwaas oo la xidhiidha horumarinta awoodda xog-ururinta, kaabayaasha biyaha iyo taageerada ka hortaga abaaraha.
Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay qoraalka inay si weyn u soo dhoweysay taageerada Baanka Africa ka geysto kobcinta awooda xog-uruurinta, oo suurtagelin doonta in Somaliland awood u yeelato soo saarista diiwaanka qiimaha badeecadaha u gaar ah oo la jaanqaadaya sida wadamada dunnidu u samaystaan.
Baanka Horumarinta Africa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka codsatay inay ka taageeraan kaabayaasha adeegyada biyaha, isla markaana taageero ka geystaan mashaariic biyood loogu heli lahaa bulshooyinka miyiga iyo kuwa magaalooyinka waaweyn u dhow.
Qoraalka Baanka Horumarinta Africa ayaa ku soo beegmaya xilli booqasho ay ku yimaadeen wefdi ka socda Somaliland bilowgii bishan, isla markaana kulamo la yeesheen masuuliyiin kala duwan.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment