Sunday, April 12, 2015

Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaridka Bangladesh Oo Deldelaad Lagu Fuliyey

belcDakar:April,12,2014(Himilo)-Wararka laga helayo Waddanka Bangladesh, ayaa sheegaya In Deldelaad lagu fuliyey hoggaamiyihii Xisbiga Islaamiga ah ee Dalka Bangladish oo Laba sano ka hor xukun dil ah Maxkamadi ku xukuntay.

Muhammad Kamaruzzaman oo ahaa Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga Jamaacatul Islamiyah ee dalkaasi ayaa waxaa dil lagu xukumay bishii May ee sanadkii 2013, kadib markii lasoo hortaagay maxkamada Danbiyada dagaal ee wadankaasi.

Hogaamiyahan ayaa lagu eedeeyey inuu kamid ahaa Maleeshiyaad lagu magacaabi jiray Al Badr oo ka qeyb qaatay dagaalkii 1971 ee uu dalkaasi Xoriyada uga qaatay dalka Pakistaan.

Maleeshiyaadka Al Badr oo iyagu kasoo horjeeday gooni isu taaga Bangaladhees isla markaana la safnaa Pakistaan ayaa xasuuq iyo kufsi ka geystay gobolada dalkaasi.

Md.Kamaruzzaman wuxuu beeniyey eedaynta lagu soo oogay wuxuuna racfaan ka qaatay xukunkaasi, balse Isniintii lasoo dhaafay ayey Maxkamada sare diiday inay dhageysato racfaankaasi.

Arrintan ayaa keentay in habeenimadii Sabtida lagu fuliyo dil dal-dalaad ah siyaasigan caanka ah.

Mucaaridka dalka Bangaladheesh ayaa sheegay in dowlada u adeegsaneyso Maxkamada ay u sameysay Danbiyada Dagaal arrimo siyaasadeed oo ku bartilmaamsaneyso siyaasiyiinta xisbiga Islaamiga ah

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment