London, 04 April, 2015 (Himilo)- Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay weheliyaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Cadaaladda iyo Daryeelka, ayaa Khamiistii dorraad kulan ballaadhan la qaatay Saraakiil sare-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee Britain oo ay kulan ku yeesheen xaruntooda magaalada London.
Kulankan oo Jamaal Cali Xuseen ay ku wehelinayeen Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID, Xoghayaha Arrimaha Qoyska Marwo Kaltuun Cumar, Xoghayaha Maal-gashiga iyo Xubno kale oo Xisbiga ka tirsan, waxa ay wasaaradda Arrrimaha Dibadda ee Ingiriiska ka wada-hadleen arrimo khuseeya Doorashooyinka iyo sidoo dowladda Ingiriisku uga taageeri lahayd Somaliland mashaariicda Caafimaadka iyo sidoo kale qaxoontiga dalka Yemen ee ku sugan Somaliland, sida uu sheegay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kulankaas kaddib warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee Xarunta Wasaaradda Khaarajiga Ingiriiska ee magaalada London.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu shegay inay dowladda Ingiriiska kala hadleen dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinka Somaliland, balse muu faahfaahin waxa ay qodobkaas kaga wada-hadleen. Haseyeeshee waxa uu sheegay inay xisbi ahaan dowladda Ingiriiska u soo bandhigeen laba qodob oo dhinaca taageerada iyo horumarinta mashaariic horumarinta adeegyada bulshada ah oo Somaliland u baahan tahay.
“Aad bay u fiican tahay inaanu mar walba la kulanno wasaaradda Khaarajiga Ingiriiska oo aanu is-waraysanno. Annagu dowladdii ma nihin, laakiin mucaarad baanu nahay, kaalin baananu ku leenahay siyaasadda Somaliland.
Saddex qodobbaanu kala hadalnay. Qodobka koowaaad doorashooyinka Somaliland, doorashooyinka Somaliland iyo sida dowladda Ingiriisku inooga taageerto, wakhtiga loo muddeeyey iyo waxa la qaban karo si aanay doorashooyinku dib ugu dhicin,” Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ta labaad ee aanu kala hadalnay waa arrin Yemen iyo qaxoontiga faraha badan ee inooga yimi sidii caalamku inooga caawin lahaa waanu weydiisannay. Waxay noo sheegeen inaanay wali wax codsi ah ka haynin dowladda Somaliland, laakiin marka ay helaan inay doorkooda ka qaadan doonaan. Annaguna waxaanu kala hadalnay in xagga ammaanka iyo dhaqaalaha laga taageero Somaliland maadaama ay qaxoonti faro-badan ee ka imanaya Yemen.”
Waa kale oo uu intaas ku daray, “Qodobka Saddexaad ee aanu kala hadlnay waxa weeyi xagga Caafimaadka oo waxaanu ka codsannay inay Somaliland ka caawiyaan oo la taageero mashaariicda xagga Caafimaadka,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment