Gedo, 07 April, 2015 (Himilo)- Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay shalay duqeyn la beegsadeen laba saldhig oo Al-Shabaab ay ku leedahay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanka Godoon-dhawe oo 40-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan demgada Balad-Xaawo, iyadoo sheegtay inay tani jawaab u ahayd weerarkii ay ku qaadday Al-Shabaab Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dishay 148 qof oo u badan Arday.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya Col. David Obonyo, ayaa u sheegay Warbaahinta in Saldhigyadii Al-shabaab ee ay duqeeyeen la bur-buriyay, kuwaasoo uu sheegay inay ku yaallaan deegaanno ku dhaw Xadka ay Soomaaliya iyo Kenya leeyihiin. “Waxaan duqeynay laba Saldhig oo ay Al-shabaab lahayd, ka dib markii aan helnay xogo ku saabsan inay ahaayeen goobihii laga soo abaabulay weerarkii Jaamacadda Gaarisa,” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya Col. David Obonyo.
Xukuumadda Kenya ayaa muddo dheer dedaal ugu jirtay inay joojiso falal ay ku sheegeen kuwo amni-darro ah oo xuduud ka tallow ah, kuwaasoo ay ka geysanaysay Kooxda Al-Shabaab gudaha waddanka Kenya tan iyo markii ay Kenya Ciidamadeeda gudaha u galeen dalka Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2011-kii.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya Col. David Obonyo oo sii sharraxaya dhibaatada ay geysteen duqaymaha uu ku dooday in Saldhigyo Al-Shabaab leedahay ku bartilmaameedsadeen, waxa uu yidhi; “Saldhigyadan la duqeeyay waxay ku yaallaan deegaannada Gadoon-dhawe iyo Sheekh Ismaaciil dhammaan Saldhigyadana waa la burburiyay. Khasaarihii ka dhashay weerarkaas dib ayaan ka sheegi doonnaa. Balse waxaan si hor-dhac ahaan ah u sheegayaa in Gaadiid ay lahaayeen xoogagga Al-Shabaab ay ku burburiyeen Diyaaradaha Kenya Saldhigga Gondo-dowe.”
Ciidamada Kenya, waxay ka mid yihiin Hawl-galka nabad-ilaalinta Xoogagga Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo hore u sheegay inay Al-shabaab kula dagaallamayaan gudaha waddanka Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadayso dalkooda Kenya. Iyagoo Kooxda Al-Shabaab-na taa beddelkeeda sii laban-laabay weerarrada ay ka fuliyaan Kenya, isla markaana illaa Caasimadda dalkaas ee Nairobi ka fuliyey weerarradii ugu adkaa.
Al-Shabaab, ayaa marar badan sheegtay inay Ciidamada Kenya dhibaato ku hayaan Muslimiinta Soomaaliya ku dhaqan, isla markaana tacaddiyo Kufsi, dil iyo dhibaatayn ah ku hayaan Soomaalida Koonfurta Soomaaliya, sidaa awgeedna illaa inta ay Kenya Ciidammadeeda kala baxayso Soomaaliya inay wadayaan weerarrada aar-goosiga ah ee ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, kuwaasoo uu u dambeeyey weerar Khamiistii toddobaadkii hore ay afar nin oo Al-Shabaab ka tirsani ku qabsadeen Jaamacadda magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya, kaasoo ay ku dhinteen 148 qof, 80 kalena ku dhaawacmeen.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment