Panama City:April,10,2015(Himilo)-Muddo Nu-qarni ah kadib waxa kulankoodii ugu horreeyey yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Cuba Iyo Maraykanka oo in badan dhexdooda ay Xurguf siyaasadeed taallay.Labada Mas’uul ayaa kulan uu albaabada u xidhnaa yeeshay, kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka uu tagay dalka Panama oo uu wada hadal uga socdo labada dhinac.
Kulankan ayaa horu dhac u ah kulanka dhex mari doona Madaxweynaha Mareykanka iyo Hogaamiyaha Cuba, kaasoo ka dhici doona magaalada Panama.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Hogaamiyaha Cuba Raul Castro ayaa la filayaa in kulankii u horeeyay ay yeeshaan, maalmaha soo socda, iyagoo ka qeyb geli doona shirka ka furmaya Panama.
Wasaaradda Arrimaha dibada Mareykanka ayaa ku baaqday in Cuba laga saaro liiska dalalka maalgeliya Argagixisada.
Labada dal Mareykanka iyo Cuba ayaa 50-kii sano ee u dambeeyay uu cilaaqaadkooda xumaa, waxaana labada dal ay xidhiidhka diblomaasiyadeed isu jireen, iyadoo midba midka kale eedeyn u jeedin jiray.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment