Washington/Muqdisho, 04 April, 2015 (Himilo)- Dowladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inay ka taageerayso dalka Kenya sidii ay xididdada ugu siibi lahaayeen isla markaana uga aar-san lahaayeen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii weerar Dabley hubaysan oo kooxdaas ka tirsani oo ka geysteen jaamacad ku taala magaalada Gaarissa ee Woqooyi-Bariga dalkaasi, tas oo galaaftay nolosha 147 qof.
Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Aqalka Cad oo aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee Reuters oo warka baahisay, waxa ay dowladda Maraykanku cambaareysay weerarkaas oo ay ku tilmaantay mid waxshinimo ah, waxaanay dowladda Kenya loogu ballan-qaaday in Maraykanku ka taageerayo sidii ay Xukuumadda Madaxweyne Kenyatta uga aar-goosan lahayd Kooxda Al-Shabaab oo weerarkoodii Khamiista uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee ay ka geystaan dalka Kenya.
“Maraykanku wuxuu bar-bar taagan yahay reer Kenya, waxaanu sii laban-laabaynaa taageerada Milatari, dhaqaale iyo Farsamo ee aanu siinno Kenya oonu sii xoojinayno si looga aar-goosto Al-Shabaab,” sidaas ayaa lagu sheegey warka ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.
Weerarka Al-Shabaab ka fulisay Jaamacadda magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi-Bari ee Kenya oo Soomaalidu degto, waxa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay 147 qof oo isugu jira arday, maclimiin, shaqaale iyo Askar ka hawl-galayey Jaamadda, halka 80 qof oo kalena la sheegay inay ku dhaawacmeen, waxaanu noqonayaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya, wixii ka dambeeyey weerar sannadkii 2013-kii kooxda Al-Shabaab ku qaadday Suuqa Westgate Mall, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof.
Weerarkan ayaa sidoo kale noqonaya kii labaad ee ugu tirada badnaa dhinaca khasaaraha ee kooxaha xag-jirka ahi ka geystaan Kenya, waxaana ka horreeyey weerar 1998-kii lagu bartilmaameedsaday Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalada Nairobi, kaas ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment