Wednesday, April 15, 2015

Shirkadda ALNuuR Furniture oo Shaacisay Fursado muhiim ah

Farxadda Gu’ga iyo Toddobaadka Qoyska’

Hargeysa, 15 April, 2015, (Himilo)- Shirkadda qalabka guryaha iyo agabka xafiisyada ee ALNuuR Furniture, ayaa markii ugu horreysay shaacisay barnaamij cusub oo loogu wan-qalay ‘Farxadda Gu’ga iyo Toddobaadka Qoyska’.

Barnaamijkan oo socon doona muddo hal toddobaad ah ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu abaalmarinayo macaammiisha shirkadda, sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxa Suuq-gaynta ee shirkadda ALNuuR Furniture Md. Cabdiqani Maxamed Xuseen.

ALNUURWar-saxaafadeedkaa oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxa uu u dhignaa sidan:

“Haddii aannu nahay maamulka Shirkadda ALNuuR Furniture, waxaannu halkan ku shaacinaynaa fursado dahabi ah oo muhiim u ah guud ahaan macaammiishayada. Sidaa darteed, si aannu u madhxinno jeebka macaammiishayada, ugana qayb qaadanno farxaddooda, waxaannu samaynnay barnaamij cusub oo aannu walqalnay ‘Farxadda Gu’ga Iyo Toddobaadka Qoyska’.

Fursaddani waxay socon doontaa muddo toddobaad ah (15ka April 2015 ilaa 22ka April 2015). Muddadaa haddii aad hal shay ka iibsato ALNuuR Furniture waxaad heli doontaa shay kale oo bilaash ah, kaas oo aannu ku abaalmarinaynno macmiilka wax iibsaday.

- Haddii aad iibsato Cunto waxaad abaalmarin u heli doontaa Tallaagad.

- Haddii aad iibsato Hurdo waxaad abaalmarin u heli doontaa Qasaalad.

- Haddii aad iibsato Fadhi waxaad abaalmarin u heli doontaa Muraayad Flat Screen ah.

Fursaddan oo aannu ugu talogalnay inaannu kaga farxinno macaammiishayada, waxaannu sidoo kale uga dan leennahay madhxinta jeebabka macaammiishayada.

Ugu dambayntii, waxaannu guud ahaan macaammiishayada ugu baaqaynaa inay ka faa’iidaystaan fursaddaa kooban ee aannu u samaynnay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

No comments:

Post a Comment