Wednesday, April 8, 2015

Xayiraad ay Kenya Duldhigtay 13-Xawaaladood Oo Soomaalidu Leedahay iyo Akoonada 86-Qof

xaroxNairobi:April,08,2015(Himilo)-Xukuumadda Dalka Kenya, ayaa xayiraad saartay Xawaalado tiradoodu gaadhayso 13 oo ay soomaalidu dalkeeda ku dhex lahayd iyo Xisaabo Baananka uga furnaa ugu yaraan 86-Qof oo Jinsiyado kala duwan leh.

Tallaabadan, ayaa loo arkaa mid jawaab u ah Weerarkii lagu le’day ee Kooxda Al-shabaab dhawaan ku qaadday Jaamacadda Garisa, waxana arrintani si gaar ah u saamaynaysaa Soomaalida Halkaas lacagaha kasoo diri jirtey iyo kuwa looga soo diri jireyba.

Guddi Wasiiro ah oo ka tirsan dowladda Kenya, isla markaana qaabilsan arrimaha la dagaalanka Argagixisada ayaa shir ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi waxay amar ku bixiyeen in la xayiro akoonada bangiyada xawaalado iyo shaqsiyaad magac ku leh Kenya oo ay ku jiraan Culumo caan ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in xayiraada la saaray shaqsiyaadka iyo xawaaladaha, inkastoo aanu shaacin magacyadooda, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in dadkaas ay taageero u fidiyaan Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in liiska dadka ay ku jiraan culumo magac ku dhex leh Soomaaliya iyo xawaalado caan ah, waxana arrintani u muuqata cuno qabaytan cusub oo kusoo biirtay Dadka soomaalida ah.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment