Tuesday, April 7, 2015

Xuska 34-guurada Aasaaskii SNM oo loo dabbaal-degay

Hargeysa, 07 April, 2015 (Himilo)- Magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood, ayaa shalay lagu qabtay Munaasibaddo  lagu xusay 34-guurada ka soo wareegtay Aasaaskii Ururkii Xaq-u-dirirka ahaa ee SNM oo markii ugu horeysay dhidibbada loo taagay 6-da bishii April 1981-kii oo ku beegnayd Isniintii shalay.

Munaasibado ay soo qaban-qaabisay Xukuumadda Somaliland, ayaa lagu qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye.

Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo ka dhacday Fagaaraha Beerta Xoriyadda oo shacbigu si ballaaadhan isugu soo baxeen,  waxa ka qayb-galay Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, Wasiiro, Mujaahidiin ka mid ahaa Madaxdii SNM iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha  Jimciyada  Mujaahidiinta Somaliland ee SOOYAAL oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay xaaladda ay ku suganyihiin dadkii ka soo qayb-qaatay Halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey.  “Maanta halkan hadal badani ma yaalo, waxa aynu xusaynaa oo kaliya maalmihii qadhaadhaa ee ina soo maray. Xuska Maanta (shalay) oo ah 6-dii Abriil waa maalin Taariikhi ah oo ku suntan kuna jirta quluubta dadka shacabka ah ee Somaliland, waxaanan marka hore leeyahay hambalyo iyo bogaadina u dirayaa cid kasta iyo shacabiwaynaha Somaliland.”

Mujaahid Maxamed Cilmi Galaal oo ka mid ahaa mujaahidiintii waawaynad ee SNM oo madasha ka hadlay, ayaa soo jeediyey in tariikhda ururku leeyahay kor looqaado si wayna looga xuso maalintan oo Qiime weyn ugu fadhida aasaaskii Qaranimada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isna ka hadlay qiimaha ay maalintani leedahay iyo sida looga baahan yahay bulshadu in ay qayb laxaadle ka qataan. “Waxa aynu maanta joognaa maalintii la aas-aasay ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniyeed ee SNM ee dalkan xoreeyay, waxa aynu joognaa Sanad-guuradiisii 34naad ee sababta u noqday in ay Qarankan Somaliland yagleelaan. Ururka SNM xorriyad dheer ayuu dalkan u soo maray waxaana aynu sheegi karnaa inuu guulaystay maantana yahay Qaranka aynu joogno himilada uu lahaana Xaqiijiyay.”

“Hadafkii SNM waxa uu ahaa in aynu gumaysiga iska qaadno oo aynu qaran Somaliland lay idhaa abuurno, halgankii SNM waxa uu ahaa Sagaal Sanno, waxaana uu ahaa mid Guul u ah Somaliland Qarankeedana u soo wada hoyatay,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyadu xustay in maalintani tahay mid qiimo ugu fadhida shacabka Somaliland, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Markaan anigoo gaadhi Hargaysa ku dhex-wata is arko, waxaan xasuustaa dadkii u dhintay suurto-galiyayna in aynu nabadda ku naaloono, waxa markasta waajib inagu ah kuwa agoomaha in aynu Ogaanno daryeelkooda, siinanna mudnaan gaar ah oo aanay lahayn dadka kale. Qarankani waxa uu ku faanayaa dadkii dhaliyay Nabadda cadowgana ka dhiciyay shacabka,” ayey tidhi Marwo Samsam.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna Madasha hadallo ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda maalintani ugu fadhido qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi, “Shacabka Somaliland waxa lagudboon halgankii dheeraa ee nabadda lagu dhaliyay in aynu ilaashano. Xuskani waxa weeyaan maalmihii qadhaadhaa, mujaahidiintii iyo agoomihii SNM iyana waxa la doonayaa sidii aynu wax ugu qaban lahayd in aynu iska kaashano mucaarad iyo Muxaafidba. Arrinkaas wax u qabashada Guddi ayaanu u saarnay baahiyaha jira madaxwaynaha u keena, ilaa hadda intaan ka war hayo cid soo juuqday majiraan, Gudidaas waxaan ku boorin lahaa munaasibadaha noocan oo kale ah si aynaan mar kasta iskugu qabsan, labada dhinacba way ka koobnayde soo dedajiya wixii talo aad haysaan.”

Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-Waris) oo munaasibadda soo afmeertay, waxa hadalladeedii ka mid ahaa; “Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabiwaynaha Somaliland maalinta SNM awgeed una dabaal dagaysa Xuska Maalintan. Maanta waa maalin qiimo wayn inoo leh, waa maalintii gobonimadan iyo sharaftan aynu ku nool nahay la hantiyay, Mujaahidiinti wixii shahiiday iyo kuwa Curyaaminta ah, waxa inala Gudboon Kuwii yaryaraa ee markaas Dhibtaas lasoo maray aan dhex joogin in aynu dareen siino taariikhda dalkan loo soomaray,” ayey tidhi Marwo Aamina Maxamuud Jirde.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment