Thursday, July 3, 2014

Ururrada Xuquuqda Aadamaha oo dawladda Jabuuti ku eedeeyey xidhitaanka Masaajid lagu Cibaadaysan jiray oo ay Albaabbada u laabtay

Jabuuti, 03 July, 2014 (Himilo)- Ururka u dooda dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadamaha ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu magacaabo ODDH, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Jabuuti inay xidhay Axaddii lasoo dhaafay Masjid lagu Cibaadeysanayay oo ku yaalla Xaafad ka tirsan magaalada Jabuuti.

Djibouti_403Warbixinta Ururkan soo saaray ayuu ku sheegay in Ciidammada Booliiska dalka Jabuuti ay Masaajidka ka saareen dadkii ku Cibaadeysanayay, isla markaana ay Albaabbada isugu dhufteen, iyadoo xidhidda Masjidkan ku timi amar ka yimid Wasaaradaha arrimaha Muslimiinta iyo Awqaafta iyo Arrimaha Gudaha dawladda Jabuuti.

“Toddobaadkii lasoo dhaafay Boolisku waxay xidheen Masaajid ay ku Cibaadeysanayeen dad Muslimiin ah, iyadoo Booliisku ay la wareegeen gacan-ku-haynta Masaajidkaas; iyadoo loo diiday dadku inay ku Cibaadeystaan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixin uu ODDH soo saaray.

Sidoo kale, Ururka, ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka horimaanaysa Xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu si xor ah u Cibaadeysto, iyagoo dalbaday in si dhaqso ah dib loogu furo Masaajidkaas si ay dadweynuhu ugu Cibaadeystaan.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca dowladda Jabuuti oo ku aaddan Xidhitaanka Masjid ay dad ku Cibaadeysanayeen, iyadoo sidoo kale aanu Ururkku sheegin sababta ay u xidheen Ciidammada  Booliiska Jabuuti Masaajidkan.

Bishii hore ayaa waxaa magaalada Jabuuti ka dhacay qarax ay Mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab, kaasoo dilay saddex qof la sheegay inay ku dhinteen, 15 kalena ku dhaawacmeen, waxaana tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay socday dedaallo lagaga hortagayo inay qaraxyo kale ka dhacaan Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa waxay Ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo taasi ay keentay in Al-shabaab ay ugu hanjabto inay qaraxyo ka geysanayso dalkaas, si ay uga aar-gudato tallaabooyinka Ciidammada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugani ay ku taageerayaan dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment