Sunday, July 6, 2014

Wasiir Samaale Oo Daah Furay Kulan Lagu Iclaaminayey Nidaam Cusub Oo Maaliyadeed Oo Dalka Laga Hirgelin Doono

Hargeysa:July,06,2014(Himilo)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Maanta shaqaalaha wasaaradiisa u qabtay Kulan lagu lafo-gurayey Hannaan cusub oo wasaaraddu u shaqayn doonto.

omeKulankan ayaa lagu casuumay Madax sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kaaasi ayaa waxa kasoo qay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha qaranka, Hanti Dhawraha Guud, Xeer ilaaliyaha Guud, Agaasime Waxeedyada Maamulka Iyo Madaxa Xisaabaadka Ee Ciidamadda Kala Duwan ee Dalka.

 

Waxa kulankan lagu shaaciyey Hab cusub oo wasaaraddu ku maamuli doonto miisaaniyad-sanadeedka 2015-ka, waxana la shaaciyey in Nidaamkaas lagu sii shaqayn doono Lixda Bilood ee Sanadkan  haatan socda ka  hadhsan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda somaliladn CabdiCasiis Samaale oo khudbad ujeediyey madaxda hay,adahaasi ayaa ugu baaqay inay Xil iska saraan sidii ay u tashiilan lahaayeen dhaqaalaha dalka ee ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan nidaamka cusub ee wasaaraddu u dajisay sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka maaliyadeed.

Wasiirka Maaliyada Ayaa Sheegay Kulan Kan Ay Maanta Iskugu Yimaadeen Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha dalka inuu daaran yahay sidii loo wanaajin lahaa maamulka maaliyadeed ee wasaaradaha dalka.“Kulan Kani waxa uu la xidhiidhaa Wanaajinta iyo hagaajinta Maamulka maaliyadeed ee qaranka somaliland Loo Dar Yeeli Lahaa,inteena Maanta halka fadhidaa iyo inkooban oo inaga maqan Waxa aynu nahay dadkii xilalka ugu sareeyay  u hayay dalka somaliland,Siyaasada Maamulka iyo dibu habaynta Maaliyadeed waana mashruuca la magac baxay BFM,Kaas oo aynu doonayno in nidaamka casriga ah ee caalamku ku dhaqmo aynu lajaan qaadno,hadii dalkeenu soo maray maraaxil kala duwan,Waxa maanta loo baahan yahay in aynu la jaan qaadno sid uu u dhaqmayo caalamka inagu xeeran.” Ayuu yidhi wasiir samaale.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “Caalamka ayaynu ka mid nahay,Waxaan loo baahan yahay waxa yar ee aynu shaqaysano iyo waxa yar ee aynu soo saarnaba in aynu ku xisaab Tano  oo  aynu hagaajisano.”

Gabo Gabadii waxa uu wasiirku iftiimiyay Dhaqaalaha wadanka somaliland kaas oo ku tilmaamay mid kooban hadana la doonayo in kor loo qaado si shacabka reer somaliland gacmahooga biyaha ugaga dhargaan,waxaana uu bayaamiyay in dalalka caalamka ee deeqaha bixiya badan koodu kasii jeedaan Dalka somaliland in ay waxa la qabtaan.

Sidoo kalena waxa Iyana kulankaasi hadalo kasoo jeediyay hanti dhawrka guud ee somaliland iyo guddoomiyaha haay’adda shaqaalaha waxaana ay wasaarada maaliyada somaliland ee uu hogaaminayo wasiirka maaliyada cabdi casiis maxamed samaale ku amaaneen kaalinta muuqata ee uu ka qaatay horumarinta dhinac maaliyada oo ah halka kaliya ee dhaqaalaha wadanku lagu ilaaliyo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment