Thursday, July 3, 2014

Xidhibaanada Golaha Deegaanka Sallaxley Oo Ka Biyo Diiday Go’aan Wasiir Waran-cadde Ka Soo Saaray Dhul Muran Ka Taagnaa

Hargeysa:July,02,2014(Himilo)-Golaha Deegaanka Degmada Sallaxley, ayaa Ganafka ku dhuftay Go’aan ay wasaaradda Arrimaha Guduhu ka soo saartay Muran u dhexeeyey Golayaasha Deegaanka Hargeysa iyo Sallaxley.

muranewgo’aankasi  ka soo baxay Wasarada Arrimaha gudaha  oo lagu sheegay in Degmada Salaxley soohdinteeda Dhuleed ugu danbeyso Tuullada Toon, Waxanu Maayirka Iyo xildhibaanadii shirka jaraa’id wada jirka u qabteen Go’aankasi ku tilmaameen in uu yahay mi khaldan oo aanay ku dhaqmeyn Gole deegaan ahaan.

Maayirka Degmada Salaxley Shiine Tahar oo ugu horeyn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay qoraalka ka soo baxay arrimaha gudaha oo lagu sheegay in la xaliyey khilaafkii dhuleed ee u dhexeyey Salaxley iyo Hargeysa, waxanu sheegay in aanay aqbaleyn go’aankasi oo uu tilmaamaya in uu yahay mid sharcidaro ah oo ka hor imanaya Xeerka doorashooyinka ee codbixinta, waxanu tilmaamay in Tuulooyinka ay ku haysato Hargeysa ay cododkoodii ay ku soo baxeen ay deegankasi looga codeeyey.

Maayar Tahar ayaa xusay in aanay is qabanayn in wakhtiga codkan Salaxley ay Tulooyinkaasi hoos yimadaan, Maamul ahaan ay hoos tagaan Degmada Hargeysa.

Maayirku waxa uu wasiirka ugu baaqay in dib u milicsado  xeerarka u yaalla dalka, isla-markaana uu dabbaqo sharciyadda iyo dastuurka dalka.

xildhibaano ka tirsan golaha deeganka Salaxley oo iyaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa si wadda jir ah u dhaliilen go’aanka ay ku dhawaqeen odeyaal ka soo jeeda deegnakasi oo ay tilmaameen in wasarada arimaha guduhu u soo dhiibtay, waxayna xuseen in wixii ay sharci u leeyihiin cidna ayna uga habranayn oo ay dhulkooda hoos yimada difaacanayan, waxanay uga Digeen Maamulka dawlada hoose ee Hargeysa in ay ka waantoobaan ficilada xun xun ee  nabadgelayda waxa yeelaya ee ay ku kacayaan.

Labada Gole deegaan ee Hargeysa iyo Sallaxley ayaa in muddo ahba isku Haystay Goobo  dhexdhexaadka ku yaalla, waxase Arrintu is beddeshay markii uu wasiir Waran-cadde soo saaray Go’aano uu Goobtii la isku Haystay ku raaciyey Dhinaca Deegaanka Hargeysa, taasina waxa ay keentay In Golaha Deegaanka Sallaxley ay si weyn uga Biyo Diidaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment