Tan iyo markii la aasaasay waxa soo maray 7 maareeye kuwaasoo inta badan shaqadooda ku waayi jiray kacdoono kaga yimaada shaqaalahooda.
Qaab-dhismeedka madbacada qaranku waxa uu u yaalaa sidan:-

Hadaba qormooyinkan oo aynu si taxane ah ugu soo bandhigi doono macluumaad iyo warbixino ku saabsan madbacada qaranka oo sida aynu tilmaami doono ka hadhay horumarka ay ku faanto dawlada maanta jirtaa ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Silaanyo runtiina aad moodo hay’ad xukuumadu si weyn u ilduuftay kuwii madaxda looga dhigayna ay tahli kari waayeen inay sameeyaan nidaam maamul oo leh qorshayaal horumarineed oo la taaban karo isla markaana aan saamayn horumar muuqda muddodii afarta sano ahayd ee xukuumadani jirtay, marka laga eego dhinacyada mushahar kordhin la’aanta shaqaalaha, tirakoob la’aanta baahida daabacaadeed ee hay’adaha qaranka, curin la’aanta sharcigii madbacadu ku shaqayn lahayd oo aan ilaa imika jirin, horumar la’aanta ka muuqata mashiinada daabacaada oo black and white ah isla markaana aan daabici karayn colour-ka, iskadaa inay hiigsato daabacaadaha casirga ah ee loo yaqaano (digital printing), xafiisyadii gobolada oo aan furnayn.
Sidaa darteed akhristayaal waxa maqaaladeenani si tafatiran u qaadaa dhigi doonaan arrimo door ah oo kala ah:-
- 1. Caqabadaha iyo fursadaha (Challenges & Opportunities)
1.1 Caqabadaha (Challenges)
1.1.1 Sharciga
1.1.2 Daryeel la’aanta Shaqaalaha
1.1.3 Farsamada
1.1.4 Maamulka, nidaamka Maaliyada iyo Xisaabaadka
1.1.5 In loo soo celiyo waaxyaha ka maqan ee loogu tagrifalay sida gaarka ah, si loo ilaaliyo sirta daabacaadda ee qaranku leeyahay kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
- Liisamada (Driver License)
- Manaahijta waxbarashada (Educational Curriculum)
- Waraaqaha Codaynta (Voters’ Cards)
- 2. Fursadaha (Opportunities)
2.1 in madbacada qaranku ka faa’iidaysato baahida daabacaadeed ee dawliga ah (Public) iyo kuwa gaarka ah (Private)
2.2 in madbacada qaranku horumariso qalabka farsamada
2.3 In madbacadu hayso diwaanka baahida daabacaadeed ee hay’adaha qaranka
2.4 In madbacada qaranku samayso dib u habayn maamul (Administration Reform) sida:-
- Qaab dhismeedka iyo xil qeexida masuuliyiinta
- Sahaminta baahida daabacaadeed ee hay’adaha qaranka
2.5 in madbacadu dajiso siyaasada shaqaalaha taasoo laf dhabar u ah horumarinta wax soosaarka iyo wax qabadka shaqaalaha tusaale ahaan waxa ka mid ah meelaha u baahan in culayska la saaro:-
- Kordhinta mushaharka shaqaalaha si uu u kordho wax soosaarka shaqaaluhu
- Kor u qaadida aqoonta shaqaalaha iyadoo la siinayo tababaro farsamo iyo kuwo maamulba
- Qorida xayn daabka shaqo ee Shaqaalaha si looga fogaado khilaaf ka dhasha xil qeexid la’aanta (Ambiguity)
- Samaynta xeerka anshaxa si loo helo wax u noqda xakame hab dhaqanada aan fiicnayn ee curyaaminaya dhaqaalaha madbacada
2.6 In madbacadu samayso hanti dhawre gudaha ah (Internal Auditor) si loo helo nidaam maaliyadeed oo ilaaliya hantida iyo sida loo kharash garaynayaba
La Soco
W/Q Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment