Tuesday, August 5, 2014

Somaliland oo ku biirtay Olole Caalami ah oo lagaga Hortagayo Fiditaanka Cudurka EBOLA

Hargeysa, 05 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay qayb ka qaadanayso dedaallada waddamada Afrika ugu jiraan inay kaga hor-tagaan fiditaanka Cudurka Ebola oo wakhtigan fara-baas ku haya waddamo ku yaala Galbeedka qaaradda Afrika oo dad badani ugu geeriyoodeen.

wasiir-Xaglo-toosiyeWasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in ay goobaha dalka laga soo galo ee madaarrada iyo xuduudaha dalka ka hawl-galinayaan hawl-wadeenno caafimaad oo dadka ku samaynaya baadhitaanno lagaga hubinayo cudur-sidaha Ebola oo laga deyriyey xawliga uu ku fidayo.

“Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay dawada, waxaannu doonaynaa haddiiba ay dhacdo, Illaahay inaguma keenee, sidii looga hortagi lahaa cudurkan oo ah dilaa khatar ah oo aad u faafa, daawana aan lahayn, markaa wasaarad ahaan waxaannu doonaynaa in aannu wacyigelin ka siinno bulshada cudurka. Annagoo kaashanayna Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaybta socdaalka la hubiyo cidda soo galaysa waddanka oo la baadho dadka ciddii lagu arko calaamadaha xannuunka,” ayuu yidhi Dr. Xagla-toosiye oo shalay u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da.

Wasiirku waxa uu sheegay inay shaqaalaha caafimaadka u bilaabeen tababarro lagu kordhinayo aqoontooda la xidhiidha xannuunka Ebola, waxaanu yidhi, “Goobaha laga soo galo dalka waxaannu gaynay kooxo caafimaad, tababarro la siinayo kooxaha caafimaadkana waanu wadnaa, ha joogaan cusbitaallada ama meelaha dalka laga soo galayo sida madaarrada diyaaraha oo kale, tababarkaasi oo ah sidii ay u aqoonsan lahaayeen qofka calaamadaha xannuunka Ebola leh, isla markaana loo karatiimayn lahaa inta laga xaqiijinayo inuu cudurkaasi qabo iyo in kale. Waxa kale oo ku jirta sidii ay iyaguna nafahooda uga ilaalin lahaayeen xannuunkan.”

Mar la waydiiyey meelaha ay sida gaarka ah muhiimada ugu saaranayaan baadhitaanka xannuunka Ebola, waxa uu ku jawaabay, “Madaarradu waa meelaha ugu muhiimsan ee aannu culayska saarayno, maadaama isu-socodku uu ku fududyahay xagga madaarrada waxaannu rejaynaynaa in aannu muhiimadda siinno, isla markaana aannu gayno kooxo badan oo caafimaad,” ayuu yidhi Dr Saleebaan Ciise.

Wadamada Somaliland la jaarka ah qaarkood, ayaa hore heegan uga galay ka hortagga Cudurka Ebola, iyada oo la joojiyey Ciidamo hor leh oo qayb ka ah hawl-gallada nabad-ilaalineed ee AMISOM ka waddo Soomaaliya, kuwaas oo laga cabsi qabay inay ka qayb qaataan fiditaanka cudurka.

Cudurka Ebola oo wakhtigan faraha baas ku haya Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalalka Guinea, Sierra Leone, Liberia iyo Nigeria, waxa markii u horeysay la arkay 1976-kii oo la diiwaan-geliyey labadii qof ee u horreeyey, kuwaas oo ku kala noolaa magaalada Nzara ee dalka Koonfurta Sudan iyo degmada Yambuku ee waddanka Congo, waxaana cudurkani magaca loo bixiyey ka sitaa Webiga Ebola oo ku yaala meel u dhow tuulada Yambuku ee dalka Congo.

Sida lagu shaaciyey war-bixin caafimaadka oo WHO ka diyaarisay, astaamaha lagu garto Ebola, waxa ka mid ah Xummad si lama filaan ah qofka ugu bilaabanta, awood-darro xad-dhaaf ah, dhiig-bax jidhka gudihiisa ah, Murugyada jidhka oo xannuun laga dareemo, Madax-xannuun iyo Cunaha (hunguriga) oo qofku xannuun ka dareemo.

Sida ay shaacisay hay’adda Caafimaadka Adduunka, cudurkan oo ilaa immika aanay jirin daawo laysla aqoonsan yahay in lagula tacaalo, marka laga yimaaddo tijaabooyin immika socda, waxa uu ka mid yahay cudurrada ugu khatarsan dunida wakhtigan.

Cudurkan waxa ay dadku isugu gudbin karaan marka uu qofka jidhkiisu taabto dhiigga, saxaarada iyo dheecaan ka yimaadda qaybaha kale ee jidhka qof xannuunkani asiibay, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimadka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment