Weerarka oo uu gestay qof Is-qarxiyey ayaa sababay dhaawaca dad gaadhaya 16 ruux oo rayid iyo askar isugu jira, waxaana goobta uu ka dhacay laga helay qaybo ka mid ah xubnihii qofka fuliyay oo la aamisanyahay inuu ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab oo masuuliyadda qaraxaas markii dambe sheegatay.Waa sarkaalkii labaad ee lagu dilo weerar noocan ah sanadkan gudihiisa Gobolka Bari ee maamul-goboleedka Puntland, waxaana sidan oo kale goor galab ah weerrar loogu khaarajiyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta ee Gobolkaasi dhowr bilood ka hor.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Maamul-goboleedka Puntland oo ku aaddan weerarkan khasaaraha culus u geystay Saraakiisha ka tirsan Ciidamadooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment