Sunday, March 8, 2015

Ardayda Jaamacada Camuud oo talaabo kudayasho mudan hawlo samafal ugu qabtay bulshada

Berbera 08 March, 2015-(Himilo)- Ardayda Kulliyadda Caafimaadka qeybta Ilkaha (Faculty of dentistry) Jaamacada Camuud ee magaalada Boorama oo ay wehelinayaan qaar ka tirsan Maamulka Kulliyadda ayaa socdaal shaqo ku tegay deegaannada gobollada Barriga Somaliland, oo adeegyo caafimaad oo ilkaha ah ay ka fulinayeen. Socdaalkaas oo ahaa mid mutadawacnimo ah, ayaa Ardayda iyo Maamulkooda oo is kaashanayaa adeegyo caafimaad oo kala duwan la sheegay inay u fidiyeeen dadweynaha ku dhaqan deegaanno hoostaga magaalooyinka Berbera iyo Burco markii u horreysay. IMG_1608Ardayda iyo Maamulka Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud, ayaa barnaamijyo wacyigelineed u sameeyay dadkii ay la kulmeen, kaasoo lagaga hadlay qiimaha caafimaadka Afka iyo ilkaha iyo ilaalintoodu ay ay bulshada u leeyihiin, waxaana Weftiga Ardayda hoggaaminayay Madaxa Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud Dr Cabdirashiid Cumar Ibraahim. Dhaqaatiirkta, ayaa adeegyada caafimaad ka bilaabay MCH ka Jaamalaaye Berbera, iyagoo halkaasi ka fuliyay adeegyo caafimaad oo ay kamid yihiin buuxinta ilkaha, sifeynta ilkaha, daweyn, ka saaaris iyo la talin guud oo ay siinayeen dadkii ay adeegyada caafimaad u qabteen. Tallaabada Ardayda caafimaadka ee Jaamacadda Camuud ka geysteen taakulaynta bulshada, ayaa noqotay mid ay si weyn u soo dhaweeyeen bulshadii kala duwanayd ee ay la kulmeen, isla markaana u baahan inay ku deydaan guud ahaan Ardayda wax ka barta Jaamacadaha kala duwan ee dalka Somaliland si loogu dhiirrado wax la qabashada bulshadooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment