Sunday, March 8, 2015

Wasiir-ku-xigeennada Dhawaan Loo Magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Xilalkii La Wareegay

luugHargeysa:Mar,08,2015(Himilo)-Wasiirr-ku-xigeennada cusub ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa maanta xilkii la wareegay, iyadoo xilkaasna uu u kala wareejiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Munaasibad lagu qabtay Hoolka Wasaaradda Daakhiliga oo ay ka soo qayb galeen Madaxda wasaaradda Daakhiliga, Masuuliyiinta Xilka la kala wareegayay, Shaqaalaha wasaaradda, Badhasaabo,Maayarka Caasimada iyo Marti sharaf kale, ayaa afarta masuul xilka kula kala wareegeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Daakhiliga Cabdisamad Cumar Maal, ayaa ugu horayn Masuuliyiinta cusub sharaxaad ka siiyay qaab dhismeedka Wasaaradda daakhiliga “Mudane Wasiir-ku-xigeenno, wasaaraddu waxay ka kooban tahay 6 Waaxood, 25 qaybood(25 Section),72 Unit, qaab dhismeedka wasaaraddu waa 101 Boos oo badhkoodna laga shaqeeyo qaarna banaan yihiin.wasaaraddu waxay u kala baxdaa laba waaxood, mid waxaa hoos yimaada Booliska, Ciidanka Xeebaha iyo laanta socdaalka, qaybna waa Maamulka degmooyinka” ayuu yidhi Agaasinka guud.

Wasiir xigeenkii Amniga, haatana ah wasiir xigeenka Xannaanada xoolaha Cali Maxamed Cilmi, iyo wasiir xigeenka maamulka gobolada Saleebaan Cismaan Garaad soofe oo haddana ah Wasiir xigeenka Boosaha, ayaa halkaasi ka hadlay islamarkaana si balaadhan ugu mahadceliyay Wasiirka Daakhiliga iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda oo ay sheegeen inay bilaa turxaan ah u soo wada shaqeeyeen.

Axmed Faarax Cadarre,Wasiir xigeenka cusub ee Maamulka gobolada iyo degmooyinka, iyo wasiir xigeenka cusub ee Amniga, ayaa iyaguna halkaasi hadalo kooban ka jeediyay, iyagoo Madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyay sida uu ugu gartay xilka ay la wareegeen. Waxay shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda ka codsadeen inay si fiican ula shaqeeyaan iyaguna rajaynayaan inay si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan.

Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Warancadde oo munaasibada soo xidhay ayaa soo dhaweeyay Wasiirada cusub oo uu shaqo wanaag ka rajeeyay,sidoo kalena waxa uu macasalaameeyay wasiir xigeennada laga bedelay oo uu sheegay inay ahaayeen masuuliyiin hawl kar ah waxbadana ka qabtay wasaaradda.

Wasiirku waxa uu masuuliyiinta cusub u sharaxay culayska shaqada wasaaradda Daakhiliga “Labada wasiir xigeenba aad baan u soo dhaweynayaa, waxaan leeyahay ku soo dhawaada wasaaradda. Wasaaraddani way ka duwan tahay wasaaraddaha kale, mushkiladda ay leedahay waxaa ka mid ah, Wasaaraddaha kale iyo wasiiradooduba saacado go’an oo 8 ah ayaa la shaqeeyaa laakiin, tan 24-ka saacba waa la shaqeeyaa. Madaxdeeda 24 saacba waajib baa saaran, sababtuna waxa weeye Xididadeedu waxay ku xidhan yihiin gobolada dhib iyo nabadba. Markaa xanuun kasta oo soo gaadha gobolada goor kasta oo uu soo gaadho inay wasaaraddu ka jawaabto ayay u taagan tahay” ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.

Masuuliyiintan cusub ayaa dhawaan uu madaxweyne Siilaanyo Xilkaas u magacaabay, iyadoo qaarkood loo beddelay Meelo kale oo shaqada kasii wadi doonaan.

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment