Thursday, March 5, 2015

Eedaysanaha Bomb-kii Lagu Tuuray Boston Marathone Oo Dembigaas Qirtay

Boston:Mar,05,2015(Himilo)-Wiil dhallinyaro ah oo ku eedaysnaa bom hore loogu tuuray Ciyaaraha Marathon-ka oo lagu qabanayey Magaalada Boston ee Dalka Maraykanka, ayaa haatan qirtay inuu dembigaas galay.

kimocWiilkankan dhallinyarada ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Shiishaan oo lagu magacaabo Dzjochar, ayaa sheegay inuu isaga yahay ninka dembigaas galay.

Dzjochar Tsarnajevs oo da’diisu tahay 21 sano ayaa Qareenkiisu sheegey in uu ka qaybqaatey weerarkii Bomka loo isticmaaley ee lala beegsadey dadkii ka qaybqaadanaayey Boston Marathon-ka bishii Abriil 2013, Qareenka ayaa sheegay in uu walaalkiis ahaa qofkii soo abaabuley weerarka. Walaalkiis Tamerlan Tsarnajev ayaa boolisku dileen markii la baacsanaayey ee weerarku dhacay kadib.

Isla maalintii ay weerarka ku qaadeen dadkii ka qaybqaadanayey Boston Marathon ayaa laga arkey labada Walaalaha ah oo isla socda Bom-kana ay ku sitaan Boorsooyin ay dhabarka ku xanbaarsanaayeen, waxaana ay dhigeen Bomka halka u danbeysa ee dadka tartankoodu ku dhamaanayo, kuwa daawanayana ay fadhiyeen.

Dzjochar Tsarnajevs ayaa lagu soo oogey 30 denbi oo 17 kamid ah ay u hoggaaminayaan in lagu xukumo dil.

Saddex qof ayaa ku dhimatey weerarkaas 260 kalena waa ku dhaawacmeen kuwaas oo badankood wax ka qabeen dhanka lugaha kadib markii laba Bom oo is xiga ay ka dhaceen halka uu ku dhamaanayey Boston Marathon qiyaastii laba sano kahor.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment