Thursday, March 5, 2015

Diyaarad ay Lahayd Shirkadda Turkish Airline Oo Ku Burburtay Dalka Nepal

Kathmandu:Mar,05,2015(Himilo)-Midka mid ahayd Diyaaradaha shirkadda Turkish Airline oo dad rakaab ah sidday, ayaa ku Burburtay Dalka Nepal, xilli ay duulmaad ku jirtey.

beecDiyaaradaani oo aheyd nooca Rakaabka ayaa waxa ay soo dhacday Saaka, waxa ayna xiligaasi kasoo ambabaxday dalka Turkiga.

Xiliga ay dhaceysay diyaaradani ayaa waxaa saarnaa dad shacab ahaa oo tiro ahaan lagu qiyaasay 238 qof, waxa uuna duulimaadkeedu ahaa THY726, waxa ayna ciladaasi qabsatay xili ay ka weecatay khadkii ay ku socotay ka Dib Markii laba casho Roob aad u badani ka da’ayey Deegaanka kaas oo sababay in Cimiladu Aad u xumaatay.

Dhanka kale, Shaqaalaha Gurmadka Degdega ah ee Garoonka Caalamiga ah eeTribhuvan ayaa u gurmaday Diyaarada, ku waas oo soo badbaadiyey Dadkii Diyaarada Turkish Airlines saarnaa,mana jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay dadkii rayidka ahaa, marka laga reebo khasaare gaadhay Diyaaraddaas.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment