Sunday, March 8, 2015

Faallo: Taariikhda Wada-hadalka & Fashilku Yuu Guul-daro u Yahay?-W/Q: Adan Yusuf Elmi

Somaliland ayaa ku eedeeysay Madaxweynihii hore Shariif inuu carqaladeynayo wada hadalka, waxaana Somaliland markaas shirka ku xidhey xujjo ah, fulinta qodobada heshiisyaddii hore, in xubnaha ka soo jeeda Somaliland wada-hadalka laga saaro, taasoo u dhacdey sidii qodabada heshiiskaa, shirkiina qabsoomey bishii June 2012...Somaliland wax badan ayaa burburka wada-hadalada uga jira, intay soo dhex-galayso beesha caalamku oo la helaayo dawlado si dhex ah u garnaqa dooda labadeena dhinac iyo weliba in wada-hadaladda lagu soo celiyo, halkii laga unkay ee waddanka Ingiriiska oo qadiyadeena wax badan kala socda,....
Siyaasada Arrimaha debadu waa qaybta ugu weyn ee dhismaha Waddan kastaa leeyahay isla markaana waa koofiyada sharafta waddanka, haddaan si kale u dhignana waxayba qayb-ka tahay amaanka Qaranka iyo madaxbanaanida waddankaasi, foreign policy waa Ergeyga Qaranka waana meesha ugu daran ee qadiyada aqoonsi raadinteenu u baahan-tahay ,in laga hago iyo Tiirka Farriinta qadiyada shacbiga oo ah Siyaasada Arrimaha Debada.
Haddaba Madaxweyne Md,Axmed Siilaanyo isagoo ah Masuulka qaranka ugu sareeya ama sida Soomaalidu ku maahmaahdo aanay jirin madax meel ka sareeysa oo la taabtaa, ayuu cadeeyey hadafkii qarankani u baahnaa sida ku cad distoorkeena ee ku salaysan aftida dadwenaha Somaliland(2001), inaanay marnaba gorgortan geli karin gooni isu taaga iyo midnimada Somaliland, Mucaarad iyo Muxaafid aad ayaa loo soo dhaweeyey talaabooyinka horumarka leh ee sida xawliga ku dhacay, ujeedadeeduna ku qotantay mid lagu cadeeyey siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland, oo qof kasta oo muwaadini dareemi karo sida cilmiyeysan ee wax loo wado.
Haddaba shirkii caalamiga ahaa, ee lagu qabtay magaalada London 23-kii Febraayo, 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka-soo baxay, ayaa waxa uu dhigayay in beesha caalamka ay aqoonsato, islamarkaasina taageerto muhiimada ay leedahay in wada-hadalo dhex-maraan Somaliland iyo Soomaaliya.
Dhawr billood kadib shirkaasi ayaa waxa isla magaalada London ku qabsoomey shirkii ugu horeeyey, si fool ka fool isugu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii. Waxuuna ahaa shirkii koowaad :-, Qodobadii ka soo baxay shirka waxa ka mid ahaa : In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya si ay isula qeexaan mustaqbalkooda.
Ergada Shirka uga qeyb-gashay Somaliland
1. Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
2. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Md,Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3. Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Md, Axmed Cabdi Xaabsade
4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Md,Xuseen Axmed Caydiid
5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
Ergada dhinaca Soomaaliya uga qeyb-gashay shirka
1. Wasiirkoodii hore Arrimaha gudaha iyo amniga,C/samad Macalin Maxamud.
2. Wasiirkoodii hore Caddaaladda iyo Garsoorka Axmed Xasan Gaboobe
3. Wasiirkoodii hore Arrimaha dibadda Cabdullaahi Xaaji Xasan Maxamed .
4. Wasiirkaoodii hore Maaliyadda.Cabdinasir Maxamuud Cabdulle Garjeex.
5. Wasiirkoodii hore Howlaha guud iyo guriyeynta.Jaylaani Nuur Ikar.
Haddaba waxa xaga danbe, lagaga soo daray waqtigaa, laba xubnood oo dhalashoodu ka soo jeedo Somaliland waxaanay kala ahaayeen:-
1. Jen: Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir).
2. Md, Daa,uud Maxamed Cumar,
Arrintaas oo ay ka biyo diiday Somaliland, isla-markaana waxay sheegeen, in la ixtiraamo qodobada heshiiskii wada-hadaladii hore, inaanay wax wada-hadal ah la gali doonin dhinaca Soomaaliya, maadaama xubnaha guddiga ay u soo magacawday, ku jiraan laba xubnood oo ka yimid asal ahaan deegaanada Somaliland .
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Md, Maxamed Cabdullaahi Cumar , ayaa qeexaay qodobka ka hor- imanaya xubnahani, waxaana Somaliland markaas shirka ku xidhey xujjo ah, fulinta qodobada heshiisyaddii hore, in xubnaha ka soo jeeda Somaliland, wada-hadalka laga saaro, taasoo u dhacdey sidii qodabada heshiiska, shirkiina qabsoomey bishii June 2012.
Waxaana somaliland ku eedeeysay Madaxweynihii hore Shariif inuu carqaladeynayo wada hadalka,eedaasi ka-dib, waxay dhinaca kale ee Soomaaliya ku qasbanaatay inay ergada ka saarto xubnaha ka soo jeeday asal ahaan Somaliland, si ay wada-hadaladu dib ugu furmaan.
Shirkii ku xigey waxa uu dhacay , 28-dii June, 2012 kaasi oo markii ugu horeysey ay si rasmi ah u kulmeen Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu shirkaasi ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Haddana 13 April 2013: Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku kulmeen dalka Turkiga, iyadoo kulanka dhex maray uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo loo doortay Madaxweynaha Turkiga., kulankaasi waxa uu ka dhacay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, Waxaa labada wafti u kala dab qaadayey Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Axmed Daud Oglu, oo haatan ah Ra’isul Wasaaraha dalka Turkiga.
Muddadii u dhaxeysey 7 illaa 9 July 2013: Labada dhinac ayaa markale ku kulmey dalka Turkiga, waxaana la saaray gudi farsamo oo wada-hadalada fuddudeeyo, kuwaasi oo loo xilsaaray inay kasoo shaqeeyaan sidii shir kale la’isugu iman lahaa muddo 4 billood ah.
15 January 2014: Waxa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Somalia.
Ergadii Somaliland iyo Soomaaliya ee ku wada-hadlay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxeexday is afgarad,Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada-hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxa heshiiska ka muuqday woxoogaa horumar ahaa, marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.
Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxa ka mid ah, in loogu garaabo dhibaatadii dadka Somaliland ka soo gaadhay midnimaddii, lana cambaareeyo.isla-markaana caalamku ogyahay in xasuuq ka dhacay Somaliland iyo in ujeedada Somaliland ay ka leedahay wada-hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Soomaaliya ahmiyadda ay leedahay Madaxbaanida Somaliland.
April 2, 2014: Waxa furmay Wada-hadalo kale, oo u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, isla-markaana ku saabsan maareynta hawada, oo ka furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, iyadoo ay wada-hadaladani daba socdeen qodobo hore la isugu af gartay oo khuseeyay sidii loo gaadhi -lahaa heshiis laba geesood ah, Wada-hadaladaasi waxa horkacayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo .Saciid Jaamac Qorsheel oo wasiirkooddii hore ahaa.
Shirkaasu waxa uu ku salaysnaa arrimo farsamo oo la xidhiidha sidii maamulka hawada loogu so wareejin lahaa gacanta Somaliland iyo Soomaaliya iyo in si wada jir ah looga wada sheeqeeyo maareeynta hawada, waxa shirkaasi lagu gaadhey is afgarad ah in labada dhinac ay isla maareeyaan hawada labada waddan, isla-markaana waxa socdey qorshe ah in gacanta labada dhinac lagu wareejiyo maamulkaasi.
Nov 30, 2014: Wada hadal kale ayaa dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii muddo hakad ay galeen wada-hadalada, Wafdiga ka socda Somaliland ayaa gaadhay Magaalada Ankara,waxaana Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland,Md, Maxamed Biixi Yoonis, wefdiga somalia ayaa waxa Hogaaminaya wasiirkii hore ee Amniga dhinaca Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.
Bishii Diseember 2014, Shirkaa waxa lagu qabtey Jabuuti ee uu ka soo shaqeeyey Ismaaciil Cumar Geele, oo isagu aanay isku-fiicnayn Qadiyada Somaliland, waxaan odhan karnaa wuu ka duwanaa kuwii hore, waxaana Jabuuti markaasi ka lahayd danaheedda gaarka ah, waxaana qodobadii loogu darey in shirarka labada dhinac lagu daro Jabuuti oo ay goobjoog ka noqoto.
Waxa laysla meel-dhigay waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkii fashilmay looga hadli lahaa, sida arrinta masiiriga go’aanka shacabka Somaliland iyo fulinta heshiisyaddii hore, siiba dhinaca hawada oo laga maamulo Hargeysa, taasoo Jabuuti-na u aragto inay dani ka soo galayso, maadaama sida la sheegay ay saami weyn ku leedahay shirkad weyn oo dhanka Isgaadhsiinta ah, oo dhawaan shaqadeedu billaabmayso.
Fashilka wada-hadalkii u danbeeyey?
Fashilaada wada-hadlka ku yimid wejiga sideedaad, ayaa waxa Dowladda Somaliland dhabarka u saartey dhinaca soomaliya, toosna ugu badheedhay inay jebisay qodobadii heshiisyaddii hore, oo iyadu shuruud u ahayd, in miiska wada-hadalka ayna soo fadhiisan Karin xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla-markaana waxay ku soo dartay afar xubnood oo dhalashoodu ka soo jeedo Somaliland waxaanay kala ahayeen:-
1. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
2. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasaaradda Warfaafinta
3. Nin Xildhibaan u ah .lana yidhaahdo Cilmi
4. Wasiirkii hore Gaadiidka & Duulista Hawada Siciid Jaamac Qorsheel.
Waxa la yaab ahayd in dhinaca Soomaaliya isku deydo inay iyadu gacanteeda ku bedesho heshiiskii la gaadhay, iyadoo dano gaara ka leh.
Waa maxay sababta madaxda Weftiyaddu u noqdaan Wasiiradda Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Arrimaha Gudaha Soomaaliya:-
Somaliland waxa shardigu yahay in loo wada-hadlo laba dowladood oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana haddana markasta dhinaca Soomaaliya, weftiga hadalka dhinacooda Madax uga dhigaan Wasiirkooda Arrimaha Gudaha, waxaana aan odhan-karnaa macnaha ugu jiraa, kiiskan waxay u aragtaa, maadaama ay iska dhaadhiciyeen in Somaliland tahay qayb ka mid ah, inay macno u samaynayso, siday qabaan, ee uu yahay mid la xidhiidha arrimaha gudaha ee riyadda Soomaali-weyn,( inkastoo wasaaradda arrimaha Debadda ee Somaaliya ay qabtaan shaqsiyaad Somalilanders), haddana sidaasna wasaaraddaasi loo hoosgeeyey, halka Xukuumadda Somaliland u aragtey kiiskan mid la xidhiidha qadiyada Gooni-istaaga oo Arrimaha Dibadda khusayso, lana hoos-geeyey shaqada ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Isweydiin?
Su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah, dhinaca Soomaaliya ku tallogal miyey u sameeyeen in guddiga la xaajoonaya Somaliland lagu soo daro, markii 2aad rag asal-ahaan ka soo jeedda Somaliland ?, Dad badan ayaa qaba inay ahayd siyaasad loo soo dhiibay Xasan Sheikh oo ay ku tallo galeen, in ergadan qaabkaa carqalada ku sameeyaan, waxaana iska caddayd danta ay ka lahayeen iyo inay soo afjarmaan wada-hadaladu, maadaama ay gadheen arrimihii masiiriga ahaa ee Somaliland waxay caalamka tustay, sida Somaliya aysan diyaar ugu ahayn in wada-hadal dhab ah ay la gasho Somaliland.
Waxaan odhan-karaa Soomaaliya iyada ayaa u baahnayd inay si walaalnimo, isu macasalmeeyaan Somaliland, isla-markaana, wada-hadalkaasi u fureen albaabka dowladnimo Somaliland, qadiyadeena kor ayey u qadeen. Waxaana dad badan aaminsan yihiin in Somaliland wax badan burburka wada-hadalada uga jiraan, inta ay soo dhex-galayso beesha caalamku oo la helaayo dawlado si dhex ah u garnaqa dooda labadeena dhinac iyo weliba in wada-hadaladda lagu soo celiyo, halkii laga unkay ee waddanka Ingiriiska oo qadiyadeena wax badan kala socda, waxaana inoo taala hawl badan la qaado siyaasada arrimaha dibada gaar ahaan waddamada Igad ee Itoobiya iyo Kenya, sida oo kalena laga shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa, korna loogu qaadi lahaa adkaynta Midnimada iyo Difaaca Somaliland.
-ALLAA MAHAD LEH-
W/Q: Adan Yusuf Elmi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment