In muddo ahba waxa uu ku socday xawaaraha casriga ahi ‘Technology’ xawli aan la qiyaasi karin saadaalintiisa. Xawaarahani wuxuu keenay in si sahlan loogu wada xidhiidho dunida daafaheeda. Maalinba maalinta ka dambaysa wuxuu noqonayey adeeg loo aayo, labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey siduu isku bedelay ee uu hormarka u sameeyey muu ahayn wax la filayey.
Koor/teleefan gacmeedka ‘Mobile’ laftiisu wuxuu ka mid ahaa adeegan aadka loogu aayey ee siduu isu casri garaynayey gaadhay halka uu maanta marayo. waxaanu gaadhay heer waxaad doonto isaga aad ku soo shubanaysid. Kooraha qaar baa u dhigma oo la qaad ah adeegaha gacanta ee ‘Laptob’.
Is rogroga dunida oo lafteedu cashar yahay oo maalinba qof uu gacan sareeyo ayaa keentay in maanta adeegga aynu intaa ka sheekaynayno suurtogaliyaan Yurub iyo Maraykan iyo inta la jaan haysa, sidaa ajligeed ku bogaadinta iyo la haysashadu waa mid dunidu ula siman tahay haba ahaadaan inta ciidda ka hooseeyse.
Nimankaa hirgaliyey waxay ugu tala galeen inay baddeecadoodu suuq yeelato oo laga iibsado, si kasta oo looga iibsan lahaana way suura galiyeen. Ka sokow balaadhinta qaadistiisa waxay kusoo dareen in wax walba oo loo baahdo lagu shuban karo. Si la mid ah waxay u dhigeen in luuqad kasta laga heli karo amase dal walba oo ay ugu talo galeen inu tago luuqadiisa ugu shubaan.
Dunida Islaamka oo ah duni balaadhan balse ka aradan hirgalinta iyo abuuridda wax soo-saar midho dhal ah ayaa ku soo gaabsaday inay noqdaan baahanayaasha baahida loo abuuro, xoolahooga dihinna loogu dooriyo kolba dhaldhalaalka socda amintaa.
Koor gacmeedkan ‘Mobile’ ayaa waayadan lagu shubtaa Qur’aanka Kariimka ah iyo dhamaan kuttubta diinta iyaga oo lama taabtaan ah ’Soft’, hubaal waxa ah in lagu badhaadhay.
Haddii aan gudaha ugu dhaadhaco qormadaydan waxay daaran tahay khalad lagu arkay qaar ka mid ah Koor gacmeedyada ay soo-saareen shirkaddaha lagu magaacabo ‘APPLE iyo SAMSUNG’ shirkaddahaas ayaa si isku mid ah u faafiyey Qur’aanka Kaariimka ah ee ku yaalla khaanadahooga ‘Application’ isagoo wax lagu siyaadiyey sida korba ku sawiran ee aad ka eegi karto xagga falaadhu eegayso.
Khaladkaasi laba midba wuu noqon karaa, khalad loo badheedhay iyo mid la ilduufayba. Sidaa ajligeed waxaad odhan kartaa waar ina Aadam waa mid khalad u samaysane ku daa waa khalad aan loogu talo galin. Midbaa is weydiin muddan taasoo ah sidee baa khalad looga heli karaa? Waayo iyaga miyaanay ku shubin Qur’aankii oo diyaarsan ma iyaaga qora?.
Aayadda lixaad ee Suuradda Al-Cimraan oo ah halka ay aaladahani wax kusoo kordhiyeen ayaan jecelahay inaan dul istaago labada macne ee ay leedahay marka ay aayadu sideedii tahay iyo marka wax lagu daray.
Aayaddu marka ay saxdeeda tahay Alle SWT waxa uu leeyahay “waa Allahi kugu soo dajiyey adiga ’Muxamadow’ kittaabka ‘Qur’aanka’ waxa ka mid ah ‘Qur’aankii’ aayado macnahooga la fahmayo, oo kittaabka asal u ah, waxa kale oo ka mid ah ‘Qur’aankii’ aayado macnahooga Alle uun garanayo. Kuwa qalbigoogu leexday waxay raacayaan qaybta Alle uun garanayo, iyaga oo doonaya fitno, tafsiirka aayadahaana way raadinayaan. Mana garanayo tafsiirkaa cid aan Alle ahayn, iyo kuwa cilmigu biyo dhigay. Waxa ay leeyihiin ‘Rasikhiintaasi’ rumaynay idilkii ee xagga Rabi ka yimi. Ma waantoobayo illa kuwa cilmiga leh mooye”.
haddaba dhawrkan qodob aynu kala qaadno:-
Aayaddu maxay ka hadlaysaa
Khaladka lagu sameeyey xagguu ka dhaawacayaa
Maxaase looga dan lahaa haddii khaladkaasi ku tallogal yahay.
Ugu horayn aayadu waxay ka hadlaysaa waa Qur’aanka Kariimka ah oo ay laba u kala qaaday. Qayb fasirkiisu cad yahay iyo qayb loo yaqaan ‘Mutashabah’ oo macnahooga Alle SWT og yahay.
Haddaba khaladka aayadda ku jiraa waxa weeyi iyadoo lagu siyaadiyey xaraf dhan oo macnihii dhamaa ee aayaddu lahayd leexinaya macne kalana u wareejinaya. Waxa lagu kordhiyey aayadda xarafka ah ‘bil xaqi’. Kaasoo badalaya macnihii dhamaa ee aayaddu lahayd. bal illa eega macnahana “Kuwa qalbigoogu leexday waxa ay raacayaan qaybta Alle uun garanayo, iyaga oo doonaya fitno”. Macnaha saxda ahi waakaa balse haddii la raaco sida ku dhigan halka sare “Kuwa qalibigoogu leexday waxay raacayaan qaybta Alle un garanayo xaqna way u raacayaan. Iyaga oo doonaya fitno. Markaa halka ay wax iska badaleen waad ila garateen baan filaya.
Haddii qoraalku khalad la il duufay yahay waa iga baraarujin. Waana mid lays weydiin karo oo la odhan karo inta Bil xaqi ku jirtaa maanad arag, taasi waxa ay ku tusinaysa inaan loogu tala galin ee saddexda jeer ee Bil xaqi soo noqnoqtay maanad arag. Taa waxaan ka leeyahay armaa loogu tallogalay in saddexda lasoo celceliyey mid uun laga qaato, taaso macnihii bedelaysa, labada kalana la yidhaa waa khalad madbaci ah.
Haddii ku tallogal yahay qorshuhu maaha wax waaraya waayo Alle SWT wuxuu yidhi “anaga ayaa soo dajinay Qur’aanka anaga ayaana illaalinayna”. Markaa mid loo baqanayo maaha illaalintaasi oo wataa haddaba fashilantay ama soo baxdayba waa haddii aan loogu tallogaline.
Aayaddani waxa ay ka mid tahay aayadaha miisaanka leh waayo waxay kala saaraysa Qur’aanka cad iyo aayadaha macnahooga uun Alle garanayo. Iyo wixii ay ka yidhaahdeen kuwii ka doodayey, sidaa ajligeed ayaan ugu qalin qaatay inaan dul istaago baraarujin ahaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment