Hargeysa:Mar,09,2015(Himilo)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Arrimaha Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha, iyagoo shaaciyey xilli rasmi ah oo diiwaangelintaasi bilaabmi doonto.
Guddida oo Maanta Xafiiskooda Hargeysa shir Jaraa’id ku qabtay, ayaa diiday inay ka Hadlaan Arrimaha Doorashooyinka oo si weyn loo sugayo, waxana ay taas beddelkeeda iclaamiyeen Xilliga ay qabanayaan Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo loo baahan yahay samaynteeda inta aan doorasho la qaban.
“Anagu hadda wax doorasho ah oo aanu ka Hadlaynaa ma jirto oo noo taalla ee culuse ee aanu mesha u taaganahay waa Diiwaagelinta Codbixiy-yaasha,” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse oo ah Afhayeenka Komishanka Doorashooyinku.
Afhayeen Siciid Cali Muuse waxa uu faahfaahiyey Caqabado Dhawr oo ah Guddida Soo Maray, kuwaas oo keenay in Diiwaangelinta Codbixiya-yaashu dib u dhacdo, waxana uu yidhi,
“Hawshani waxay ahayd in bilihii September iyo la bilaabo, laakiin anagu markii aanu hawsha la wareegnay Qanaraasyadii baanu bilownay, kii ugu horeeyey waatii aanu Bishii December Dhamaynay, kii labaadna Bishii January baanu bilownay, balse Rafcaan baa jirey oo Shirkaduhu iyagu isdacweeyeen, taasina waxay keentay in waxoogaa dibu dhac yimaaddo, Waxana la qaatay Go’aan kale oo deeqbixiyayaashii iyo anagii iyo dadkii nala shaqaynayeyba, waxana ay n oqontay in Shirkadii hore la baabi’iyo qandaraaskii la sameeyey oo dib kale loo sameeyo khubaro, waxana dhacday inaanu Hadda Khubaro keensanayno lagu beddelayo kuwii aanu anagu keensanaynay oo nala shaqeeya.”
Siciid Cali Muuse oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay kulamo kala dambeeyey la qaateen Madaxda Axsaabta, Madaxweynaha, Deeqbixiya-yaasha iyo Dadka kale ee Arrimaha ku shaqada leh, waxana natiijadii kasoo baxday ay noqotay in la bilaabo Diiwaangelita Codbixiya-yaasha oo muddo dheer qaadan doonta,
“Waxanu la kulanay xisbiyada iyo Guddoomiyayaashooda iyo Wasiirradii ay Hawlaha aanu wadnaa khusaynaysay iyo urrarad Bulshada iyo Deegbixiya-yaasha, Berrito laga bilaabana waxau tegaynaa safarro aanu ku tegayno Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, halkaas oo aanu kasoo qoranayno shaqaalihii diiwaangelinta iyo arrimaheeda ka shaqaynayey, anagoo intaas kadibna gudo geli doono qalabkii oo la keeni doono.” Ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Afhayeenku waxa uu si rasmi ah u shaaciyey xilliga ay bilaabi doonaan Diiwaangelinta Hordhaca u ah Doorashada, waxana uu yidhi,
“Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa Ramadaan ka Bacdi, waxana aan u xisbiyada isla garanay inaan Ramadaanta la shaqayn Karin, Hawshuna waxay Bilaabmaysaa Bisha July dhamaadkeeda.”
Hadalka Maanta kasoo baxay Guddida Doorashoyinka Qaranka, ayaa meesha ka saaraya inay Doorashadii Madaxtinimo ee dalka ka qorshaysnayd bisha June 26-keedu meesha ka Baxdo, waxase ay Komishanku iska diideen inay afkooda ka sheegaan inay dib u dhacayso Doorashadu.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment