
Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye Cirro iyo xubno u badan Aqalka Labada Gole, Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed Xabaasha dusheeda ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday Taariikdha Marxuumka, waxana ay Eebe uga Baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, ayaa iyaguna ka sheekeeyey Doorkii muuqday ee Marxuumku kasoo qaatay Dibu xorayntii dalka iyo Waliba heshiisyadii Beelaha Somaliland oo uu wakhti badan kusoo qaatay.
Aaska Marxuumka ayaa shacabkii ugu tiro badnaa kasoo qaybgaleen, waxana loogu duceeyey in ilaahay jannadii ka waraabiyo.
Xildhibaanka ayaa Shalay Galabtii ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, waxana uu muddo u jiifay Xanuun haleelay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment