Saturday, March 7, 2015

Kooxda Daacish oo bilawday Burburinta Magaalo Qadiimi ah oo la dhisay Dhalashadii Nebi Ciise ka hor

Nimrud, 07 March, 2015 (Himilo)- Masuuliyiinta dawladda dalka Ciraaq, ayaa sheegay in kooxda la baxday Dawladda Islaamiga ee Daacish ay isku dayayaan inay burburiyaan magaalo qadiimi ah oo la yidhaahdo Nimrud, iyaga oo isticmaalaya baabuurta waaweyn ee wax lagu burburiyo.
Maaddaama ay tahay dhaqan baabbi'in isku-dayga in la burburiyo Nimrud, waxaa durbadiiba la barbar-dhigay dumintii Daalibaan ay dumiyeen taalooyinka dhagaxaanta ahaa ee Bamiyan Budhaa ee dalka Afqanistaan sannadkii 2001-dii.
DAACISH OO BURBURINAYSA NABRUDSida ay sheegtay Wasaaradda dalka Ciraaq u qaabbilsan waxyaabaha qadiimiga ah, dagaallamayaal ka socda Daacish, ayaa magaalada qadiimka ah la soo galay Cagafyada Baldawsarrada loo yaqaanno iyo qalab kale oo culus, waxaanay bilaabeen inay dumiyaan xarunta Dhaqanka ee magaaladaas.
Magaca magaaladan ee Nimrud waxa uu ahaa magac ay Carabtu markii dambe u bixiyeen magaaladii qadiimka ahayd ee loo yaqiin Kalhu ee dadkii Assiriyiinta oo la dhisay qarnigii 13-aad ee dhalashadii Nebi Ciise (C.S) ka hor, kuna jirta Kitaabka Masiixiyiinta.
Magaaladu waxay ku fadhidaa dhul aad u ballaadhan, welina ma kala cadda in gebi ahaanteedba la burburiyay iyo in kale. Farshaxanka Nimrud oo ay ku jiraan Dibi waaweyn oo laga qoray dhagax, waxa ay yaallaan Madxafyo caalamka oo dhan.
Qaarkood waxaa lagu muujiyay Muuqaallo toddobaadkii hore ay kooxda Daacish soo bandhigtay iyagoo burburinaya Madxafka magaalada Mosul oo u dhaw Nimrud, iyada Farshaxankaasi kooxda DAACISH uga dhigan yihiin Asnaam oo kale.
Burburintan ay Kooxda Daacish ku qaadayaan waxa si weyn loogu arkaa inay tahay isku-day burburin dhaxalka Ciraaq iyo sidoo kale hanti qiima badan oo aan beddelkeeda la heli karin ee Xarunta bilowgii ilbaxnimada Adduunka oo ah dalka Ciraaq.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment