Saturday, March 7, 2015

Taleex: Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland oo Xukun Culus lagu riday iyo jawaabta uu ka bixiyey

“Xukunkaas waxa la saaray Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidankii uu watay cid kastaba ha ahaadaane… Hawsha dhiiggaa maqan, dhibaatadaa dhacday iyo kuwa dhaawaca ah, kii gurigiisa wax gaadheen iyo kii fur ka maqan yahay-ba, waxa laga rabaa…”Afhayeenka Culimada Xukunka riday
Taleex, 07 March, 2015 (Himilo)- Shir nabadayn iyo Maxkamadayn isugu jiray oo toddobaadkii u dambeeyey ka socday Waqooyiga degmada Taleex ee gobolka Xaysimo, ayaa go'aan Maxkamadeed oo Culimo gacanta ku haysay ay kaga dhawaaqeen Jimcihii shalay.
Waxaana halkaas lagu xukumay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidamo uu watay oo dabayaaqadii sannadkii 2013-kii hawlgallo dhimasho, dhaawac iyo Barakac badan sababay oo ka dhacay degmada Taleex iyo nawaaxigeeda sameeyey.
TALEEX 2Maxkamaddan Culimada ee dhawaanahan ba ka socotay duleedka Taleex, waxa Sheekha gacanta ku hayey uu ku dhawaaqay inay Maxkamadda Culimadu go'aamisay in dadkii ku dhintay, dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii kale ee ku dhibaatoobay Taleex wax allaala wixii soo gaadhay uu Masuul ka yahay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidanka uu watay, isla markaana cid kale oo laga doonayaa jirin ee isaga laga rabo, halka uu isu dhaafinayo iyo cidda kula jirtayba.
Afhayeenka Guddiga Culimada ah ee go’aankan gaadhay Sheekh Siciid Axmed Cadarre, ayaa halkaas kaga dhawaaqay natiijada Maxkamadda Culimadu ka soo saartay kiiskaas, waxaanu yidhi; “Xukunkaas waxa la saaray Cabdisamad Cali Shire iyo Ciidankii uu watay cid kastaba ha ahaadaane, inay wixi weli sii socdaanna waa nasiib-darro. Faarax Cali iyo Samo-kaab Cali waxa weeye inay arrintaasi si dhab ah uga walaaloobaan. Hawsha dhiiggaa maqan, dhibaatadaa dhacday iyo kuwa dhaawaca ah iyo wax kasta oo maqan, kii gurigiisa wax gaadheen iyo kii fur ka maqan yahay-ba, waxa laga rabaa inay raadiyaan oo ay doonaan oo godkay gashaba ay ka daba-galaan Cuqaashaa Maxamuud Garaad ee maanta halkan nala joogta.”
Guddoomiyaha Guddiga Nabadaynta Beelaha Taleex Khadar Cali Jaamac oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Xukunku sida loo qaatay yahay, isla markaana waxa dhiman la dhammaynayo, waxaanu yidhi; “Culimadi waa u joogaan, Cuqaashina waa u joogaan, Cod-karkina waa u joogaan, Guddigana waa u joogaan, Xukunkii dhacay waa sidii loo qaatay, waxa dhimani waxay u taallaa Cuqaasha hadda halkan tuban, inay ka fadhiistaan oo wixii madmadaw ku jiro la bayaamiyo haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”
Inkasta oo aanu goobtaas hadal ka jeedin Cabdisamad Cali Shire Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, haddana waxa uu Weriyeyaal la xidhiidhay u sheegay inaanay diiddanayn Xukunka Maxkamadda Culimadu Shirkaas deegaanka Taleex ka socday ku dhawaaqeen, hase-yeeshee uu qaatay, marka ay ku habboonaatada uu ka hadli doono.
Cuqaasha iyo Odayaasha labada Beeleed ee utunta dagaalkaas Taleex ka dhacay 28-kii September 2013-kii waxay sheegeen inay ku qanceen Xukunkaas, waxaana hore ay Culimada Kiiskan qaadaysay u dhaariyeen Guddiyada labada dhinac ee Kiiskan isu haystay oo ahaa Beelaha Samo-kaab Cali iyo Faarax Cali oo loo dhaariyey inay ku qanci doonaan Xukun kasta oo ay Guddiga Culimada ahi ka soo saarto Kiiskan bilawgii Shirkan markii la isugu yimi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment