
Houda Al Kaissi fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo shirkaddu ka hawl-gasho, ayaa Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey sababaha baajiyey bilowgii duulimaadkooda Hargeysa oo hore u sheegeen inay shanta bishan saddexaad ee sannadkan oo Khamiistii ku beegnayd, waxa ay sheegtay inay dhowaan shaacin doonaan wakhtiga rasmi ah ee ay bilaabayaan duullimaadyadooda Hargeysa.
“Waxaan idiin sheegayaa in shirkada Flydubai si kooban u hakisay duulimaadkii ay ku iman lahayd Khamiistii Hargeysa, sababo la xidhiidha shaqada awgeed,” ayey tidhi Houda, waxaany intaas raacisay, “Xilliga uu bilaabmi doono duulimaadyadu wakhti aan fogeyn ayaa la shaacin doonaa.”
Shirkada Flydubai ayaa dabayaaqadii sannadkii hore shaacisay inay ku soo biiri-doonaan shirkadaha diyaaradaha ee isaga kala goosha Somaliland iyo waddamada Carabta, isla markaana ay duulimaadyadooda ugu horreeya ka bilaabi doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Hargeysa 5-ta bisha March ee sannadkan oo ku beegnayd Khamiistii Dorraad.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment