
Munaasibad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa xilkaas lagula kala wareegay, waxana Halkaas weedho ka jeeday Masuuliyiin badan iyo Wasiirrada maanta xilka la kala wareegay, iyadoo wasiirka cusubna si qalbi furan loosoo dhaweeyey.
Ugu horrayn Waxa Halkaas ka Hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Jaamac Diiriye, waxana uu ku dheeraaday Dedaalkii dheeraa ee Wasiirkii hore ee Maaliyaddu u galay Dakhli ururinta dalka iyo habkii toolmoonaa ay isaga iyo shaqaalihiisu usoo wada shaqeeyeen.
Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddaani oo isaguna Halkaas ka Hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin Tegitaanka wasiirkii hore, isla-markaana ay haatan qalbi furan kusoo dhaweynayaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaiyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiirka Gaadhaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo halkaas ka Hadlay, ayaa tilmaamay in taariikhdu xusi doonto wasiir Samaale, isla-markaana Guulihii dakhliga uu kor ugu qaaday yihiin wax aan la ilaawi doonin.
Wasiirkii hore Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas hadal dheer ka jeediyey ayaa ku dheeraaday waddadii dheerayd ee uu dakhliga kor ugu qaaday, waxana uu si cad u sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay shakhsi ilaaliya hantida umada,
“Madaxweynaha somaliland waxa uu ilaaliyey Hantida Umadda, Inta aan ka bartayna ma aha nin baahi u qaba Hantida umadda, waxa uu Garab iyo Gaashaanba iigu ahaa Ilaalinta Hantida qaranka ee Wasaaraddaa Maaliyadda ee aan Masuulka ka ahaa.”ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku dhuftay qaddarka lacagta ah ee Maanta uu khasnadda Dawladda kaga tegayo, waxana uu yidhi,
“Waxa Khasnadda Dawladda Maanta ku jirta marka la isku wada Daro $1976241000, waxana ay wasaaradda Maaliyaddu bixisay 3-million oo dollar ahaa lacagta diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo miisaaniyadda ku jirtey.”
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Halkaas ka Hadashay ayaa sheegtay inay shacabka ugu baahan tahay inay ugu duceeyaan inuu eebe u fudaydiyo,waxa ay tidhi,
“wasiirka aad baan ugu mahadnaqayaa waayo waxa uu ahaa Lafdhabarta Dawladda, annagana wasaaradda Waxbarashada si sharaf leh ayuu noo caawin jirey, waxan la isku dhiibayaana waa ammaano, qofkana ma aha inuu dadka ka sarreeyee ilaahay baa kuu dooranaya, ammaanaana naloo dhiibay oo markii hore ammaano iskuul iyo ilmo yar oo dhaqdhaqaaqaya ayaa naloo dhiibay, imikana ilmahaas yari wixii uu cuni lahaa ayaa naloo dhiibay, waana wax aan umadda reer Somaliland ka barbayo inaad iigu dacaysaan inuu ilaahay igu asturo oo aanu shillinna meel khaldan iga gelin.”
Ugu dambayntii waxa si rasmi ah loola kala wareegay xilkii wasaaradda, waxana labada masuul isu muujiyeen laab-xaadhnaan iyo farxad gaar ah.
Toddobaadkii hore ayuu madaxweynaha somaliland Golihiisa wasiirrada ku sameeyey isku shaandhayn, waxana Marwo Samsam laga dhigay Wasiirka Maaliyadda oo taarikhda Somaliland markii ugu horraysya qof haween ah lagu aamino.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment