Thursday, March 5, 2015

Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Xubnaha Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Isbahaysiga Mucaaridkana Jawaab Ka Bixiyey

casiwHargaysa:Mar,05,2015(Himilo)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelnta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa ka ka hadlay xubnaha wasiirrada ah ee dhawaanahan iska casilayey Golaha Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo, waxana tilmaamay inay arrimahaasi yihiin wax iska caadi ah.

Wasiir Cukuse oo Maanta la hadlay saxaafadda, ayaa ugu horrayn ka Hadlay arrinta Wasiir Samaale, waxana Yididiilo ka Muujiyey in dib loosoo ladqabeeyo Wasiirkaas ay hore saaxiibka u ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo,

“Cabdicasiis Samaale Wasiir Muhiim ah buu ahaa, Nin aanu saaxiib nahay ayuu ahaa,Waa wasiirkii Maaliyadda, wuxuu ahaa Aasaasayaashii Kulmiye, Imikana maan maqal inuu yidhi Kulmiye waan ka baxay, mana filayo inuu isaga yahay qofka yidhi Dabaakhiin baa badan. Cabdicasiis waxaanu leenahay waa Kulmiye, Kulmiye-na wuu Isqabtaa,marka dambena waa heshiiyaa”. Ayuu yidhi

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay hadal Abiib Diiriye Nuur Sheegay markii uu xilka iska casilay oo ahaa in dad badani dalka u taliyaan, waxana uu yidhi, “Markuu Isaga Magacaabay hadduu u yaqaanay Kuug kaliya, Marka uu maanta ka tagayna waa Kuugii kali ahaa, markaa haddii marka la magacaabayana Madaxtooyadu qurux badan tahay markuu ka tagana Cabdicasiis ay la fool xumaato…Abiib waxaanu leenahay waa Kuugii kali ahaa uun” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Cukuse ayaa dhinaca kale ka Hadlay Isbahaysiga Cududda cusub ee Mucaaridka oo shalay ku dhawaaqay inay midoobeen, waxana uu tilmaamay inay ku qurux badnayd in hal calan oo kali ah ay mucaaridku wada yeeshaan, waxana uu yidhi,

“Midnimada iyo Midawga hal mar uun baan jecelahay, oo waa marka Shacabka Somaliland midoobayaan. Marka ay Mucaaradku midoobayaan oo mabaadii isku mid ah yeelanayaan oo hal magac la baxayaan, hal calan yeelanayaan, hal gudoomiyena yeelanayaana waynu sugaynaa”ayaa uu yidhi wasiir Cukuse

Waxa kale oo uu ka Hadlay hadallo mucaaridka kasoo yeedhayey oo ahaa in waddanka laga sameeyo Dawlad dalka gaadhsiisa Doorasho, waxana uu tilmaamay in taladu gacanta ugu jirto Guurtida iyo Golayaasha kale ee Sharcidejinta, waxana uu yidhi,

“Dalkeenan waynu joognaa oo Daqiiqad ma dawlad la’aanayo, Daqiiqad u eekaan mayno kuwaas(Somalia) aynu jaarka nahay, Illaahayna inagama yeelo, dalkeenu wuxuu leeyahay Goleyaasha qaranka ee Wakiilada,Guurtida iyo Xukumadda oo ku fadhiya Kalsoonida Shacabka” ayuu yidhi Wasiir Cukuse, isagoo intaasi raaciyay inaanay afka Mucaaradka ku wanaagsanayn Odhaahda ah ma aqoonsanayno Xukumadda kadib 26-ka June.”

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment