Sunday, April 12, 2015

Askari ka tirsan ciidanka Milateriga Somaliland oo Toogasho ku dilay Taliyihi Guutada 93aad Ee jiidaha hore Gobolka sanaag

Ceerigaabo-(Himillomedia)-Askari ka tirsan Ciidanka milateriga Somaliland ayaa toogasho ku dilayTaliyihii Guutda uu ka tirsanaa oo degan jiidaha hore ee Gobolka sanaag.

Taliyaha Guutada ee la dilay ayaa magaciisa naloogu sheegay Baashe Cabdi,waxaana la sheegay in Askariga dilay iyo isaguba isku beel ka soo jeedaan.

 

Askarigan dilka geystay ayaa la sheegaayey inuu markii hore u soo dhaardhaaranayey oo doonaayey inuu dilo Askaribaaniga ama lacag-hayihii Ciidanka oo uu u tirinaayey inuu lacag ka masuqmaasuqey hase yeeshee Askaribaanigaa uu doonaayey inuu dilo wuu ka fakaday taas la ajligeedna wuxuu khaarajiyey taliyahiisii!.

 

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment