Monday, April 13, 2015

Xukuumadda Somaliland oo dil qisaasa ku fulisay lix qof oo ku Eedaysnaa dilal ay gaysteen

Mandheera- (Himilomedia) -Xukuumada Somaliland ayaa manta dil qisaasa ku fulisay lix qof oo ku eedaysnaa dilal ay gaysteen, ku waasoo maxakamadda Somaland ku riday xukun dil ah.

Dilka qisaata ee lagu fuliyey lixda qof oo danibyo dil ku eedaysnaa ayaa sida la sheegay lagu toogtay Degmada madheera ee Bariga Hargeysa.

Waxana Goob-joog ka ahaa Sadexda ciidan qaran oo Taliyaha Asluubtu Hogaaminayo iyo saraakill wasaarada cadaalada ka tirsan. Cabdi cabdilaahi oo ka tirsan wasaarada cadalada iyo Garsoorka soomalialnd ayaa sheegay in dadkani hore dilal u gaysteen,isla markaana maxakamadu Dil ku xukuntay waxna intaasi ku daray in Ehelada dadka dilka gaystay iyo kuwa loo gaystayba ay isla Garteen sidii dilka qisaata ah loo fulinlahaa.

Masuulan ayaa shegay magacyada dadka la dilay oo sidan u dhigan

1 Maxamed Daauud cilmi,ina hibo cilmi oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cimi Muuse ina Caasha maxamed oo 25 jr ah waxanay siwada jir ah Boorame ugu dileen, Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame Taariikhdu markay ahayd 3/3/208

  1. Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo  Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;

  2. Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;

  3. Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed, Ina Mulaaxo Cabdi, 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;

  4. Ex Dableh, Askari Ciidanka Qaranka ah Cabdirashiid Xasan Cumar, ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009;


Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment