Tuesday, April 14, 2015

Guddoomiyaha UCID oo Fashiliyey Qorshe ay Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Saleebaan & Guddoomiye Cirro ku doonayeen dhismaha dawlad Ku-meel-gaadh ah oo uu diiday

London, 14 April, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in sannadkii 2009-kii loola yimi in dawlad Ku-meel-gaadh ah lagu dhawaaqo oo Mucaaradkii markaas jiray ee KULMIYE iyo UCID iyo weliba Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweynaha immika talada hayaa markaa doonayeen in marka ay dhammaato muddo-kordhintii loo sameeyey Madaxweynihii xilligaas Daahir Rayaale Kaahin, hase-yeeshee uu ka diiday.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inaanay jirin meel ay Sharciga Somaliland kaga taallo dawlad ku-meel-gaadh ah, hase ahaatee haddii la is-dhegaysan waayo oo caragsi iyo in la isu-joojin maayo ay ku dhaqanto Xukuumadda talada haysaa inay wax waliba iman karaan. Waxaanu ku dooday in waxyaabihii lagaga guulaystay Xisbiga UCID doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii ay ka mid ahayd diidmadii uu diiday in la sameeyo dawlad wadaag ah oo ay hoggaamiyaan Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada oo la rabay in markaas laga dhigo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen.

photo58Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay Kulan uu la yeeshay Jaaliyadda ku dhaqan magaalada London ee reer Somaliland oo ay Weriyeyaal kala duwan oo ka qaybgalay Su’aalo door ah ku weydiiyeen. Waxaa Su’aal Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe laga weydiiyey inuu la qabo Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madasha Wada-tashiga in 26-ka June 2015-ka marka la gaadho la sameeyo dawlad Ku-meel-gaadh ah halka uu shaqsiyan ka taagan yahay arrintaasi oo aan Sharciga Somaliland-na ku jirin, waxa uu ku jawaabay; “Horta aan kuu warramee haddii la is-dhegaysan waayo oo la wadahadli waayo oo cariigsi yimaaddo wax weliba way dhici karaan. Adduunyada dawlado ku-meel-gaadh ah waxa lahaan jiray dalalka Pakistan iyo Bangalalesh oo marka waqtigu dhammaado loo dhiimi jiray qof ku meel-gaadh ah, laakiin innaga sharcigeennu ma oggola.”

Guddoomiyaha oo sii watay jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey, waxa uu yidhi; “Tan waxa la iila yimi 2009-kii, waxyaabihii codka la igaga helay bay ka mid ahayd ee markaan diiday ee la yidhi; ‘Faysal wuu is-beddelay’. Raggii aan maalintaa ka diiday waxaa ka mid ah Madaxweyneheenna, Cabdiraxmaan-Cirro ayaa ka mid ah, Saleebaan-gaal baa ka mid ah oo la yidhi; ‘halla isku xigsiiyo Saleebaan iyo Cirro (Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Wakiilllada)’. Maanta halkii baan taa ka taaganahay. Laakiin, dawlad Midaw Qaran ah oo Xubnuhu ka imanayaan xataa Ururrada Bulshada oo kooban oo Shaqada ay qabanayso yahay wax lagu heshiiyey dawada dalka ayay tahay, Midnimadii ummadday tahay.”

Sidoo kale, mar Faysal Cali Waraabe la weydiiyey sida ay taasi ku imanayso ama ku iman karto, waxa uu ku jawaabay; “Shirkaas ayay ka soo baxaysaa, wixii aynu ku heshiinnaa waa sharci. Ma jiro meel uu ku yaallaa sharci dhigaya marka ay 26-June gaadho in Madaxweynuhu sidii uu maalintii dhawayd sameeyey oo kale Xukuumad toddobaatan Wasiir ah inuu soo dhis oo hakuu sii socoto meel ay ku taallaa ma jirto.”

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, waxa uu ku dooday inaanu hadal u furnayn wakhtigan Xisbiga UCID mooyee Xisbiyada kale, waxaanu yidhi; “WADDANI inuu hadlo maaha, Cabdiraxmaan-Cirro Shan sannadood oo dheeraad ah buu fadhiyaa, Axmed-Siilaanyo waa isku kiis, weliba Siilaanyo muu gaadhin ee ka joog baannu, laakiin Cabdiraxmaan hadal uma furna, annaga UCID ahaan bay noo furan tahay inaannu hadalno, markaa tan annagaa ka talinayna INSHA ALLAAHU Tacaalaa, wixii wada-tashigaa ka soo baxa ayuun baana innoo sharci ah wakhtigii Cirro ee Wakiilladu wuu dhammaaday, wakhtigii Madaxweynuhuna wuu dhammaanayaa.”

No comments:

Post a Comment