
Xildhibaanka oo la Hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in maadaama Dalka Doorasho kusoo fool leedahay loo baahan yahay in diyaar loo ahaado sidii doorasho ugu dhici lahayd Deegaanada Bariga Waddanka, gaar ahaan Bariga Gobolka Sanaag,
“Maadaama ay foodda inagu soo hayaan Doorashooyin waxa Haboon in dalka oo isku duuban doorasho laga qabto, laakiin Haddii inta dhexe la yidhaadho doorasho hallaga qabto Hadhaw arrintu meel aan laga gaadhi Karin ayey tegaysaa, waxana samaysmi kara Maamulo kale, waxana loo Baahan yahay inta Hawshu dhawdahay in maamulka lagu fidiyo Bariga Dalka oo gobolladii la tago oo maamulka la gaadhsiiyo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay jireen Xeerar ujeedadoodu ahay sidii Dalka oo dhan si siman doorasho looga hirgelin lahaa, loona baahan yahay in xeerarkaasi la fuliyo, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“waxa jirey xeerar ay Golayaasha dalku ansixiyeen oo ahaa in dalka Doorashooyin laga qabto oo doorashooyinka dalka la gaadhsiiyo ahaa oo labada Goleba u codeeyeen.diiwaangelintii xumaatay ee la laalayna Goluhu waxa uu isku raacay in Bariga Sanaag la gaadho oo dalka doorashada laga wada qabto, Madaxweynuhu dedaal badan buu sameeyey oo ilaa Laasqoray buu istaagay, laakiin Mashaariicdii wax badan baan wali qamsoomin,”
Xildhibaanku waxa uu ka digay in indhaha laga qarsado muhiimadda Maamul-fidinta ee Gobollada dalka, waxana uu ku dheeraaday baahida loo qabo in si siman qabsoomidda doorashada ee Gobollada loogu dedaalo, waxana uu yidhi,
“Xukuumadda waxa la rabaa inay muhiimadda siiso gobollada Bariga, Haddii Mar walbana inta dhaw muhiimadda la siiyo dalku intaasuu kusoo ururayaa Hooyaduna Haddii ay laba Carruur ah leedahay Hadba kii oohinta Badan ayey Wax siisaa, laakiin ka aamusan inta badan looma dedaalo.”
Xildhibaanku waxa uu ka Hadlay dhawaaqyada kasoo yeedha mucaaridka wadanka ee salka ku haya ujeellanaanta Qabsoomidda doorashooyinka, waxase uu su’aal geliyey muhiimadda ay mucaaridku siiyaan Bariga Gobolka Sanaag,
“Xisbiyada Mucaaridku inta Badan waxay ku qayliyaan Doorasho, waxana aad mooddaa inaanay danaynaynin Gobollada Bariga, waayo dalku inuu wada socdo oo doorasho looga wada diyaargaroobo ayaa muhiim ah, doorashadan kollay way dhacaysaaye waxa muhiim ah inuu nidaamka waddanka la wada gaadhsiiyo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.
Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu rajaynayo in miisaaniyadaha soo socda lagu soo daro Dhismaha Waddada Yubbe oo uu tilmaamay inay muhiim u tahay isku xidhka Gobolkaas, waxana uu ammaanay Hannaanka ay usocota Wadadda Ceerigaabo oo dhismaheeda hore loo bilaabay.
Dhawaaqan kasoo yeedhay Xildhibaanka, ayaa kusoo beegmaya xilli aanay xukuumaddu ku dedaalin sidii ay maamulka Dawladnimo ugu fidin lahayd Bariga Gobolka Sanaag, waxana aan wali si ramsi ah loosoo taaban xuduudda Somaliland ee Meelo badan oo Bariga waddanka kamid ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment