Anigoo ku hadlaaya Afka Guddiga Xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Taageerayaasha mugga leh ee Gobolka, Waxaan Hanbalyo u dirayaa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Soomaaliland go'aankii geesinimada lahaa ee ay laaleen Takaaliiftii Xaaraanta ahayd ee Isbaarada loogu dhigaty gaadiidka ka soo dega dekedda Berbera ee shakhsiyaadka yari dhiiga muwaadiniinta kaga nuugayeen, Waxaana soo noolaaday awoodii iyo sumacadii Golaha wakiilada, sidoo kale waxaan hanbalyo u dirayaa muwaadiniinta Gaadiidka soo dejisa oo markii u horreysay bulshadda u xaqiijiyey inay shacabku diidi karaan talaabo kasta oo sharci darro ah ee Xukuumadu ku qaaddo, Arrintani waxay tusaale fiican u noqonaysaa inuu shacbigu talaabooyinka sharci darrada ah diidi karaan isla markaasina ah awoodii looga caban lahaa arimahan oo kale yaa Golaha Wakiilada goaanka laalista ka Gaadheen
Waxaanu ku guubaabinaynaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland inay u midoobaan sidii ay u hor iman lahaayeen talaabo kasta oo sharciyada qarankan Baal-marsan ee Xukuumadu qaado, lana horgeeyo Golaha Wakiiladda Jsl.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Md. Siciid Muuse Cabdi-Bustaale-
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Gobolka Maroodi-Jeex
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment