Tuesday, April 14, 2015

Hooyadii Dhashay Wiilkii Soomaaliga ahaa Ee Taayirka Diyaaradda Galay Oo La Geeyey Dalka Maraykanka

uboTexas:April,14,2015(Himilo)-Hooyada dhashay Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Sanad ka hor Taayirka Diyaaradda Galay oo magaceedu yahay Ubax Maxamed Cabdulle, ayaa loo qaaday Dhinaca Dalka Maraykanka, waxana loo ogolaaday inay la midowdo Wiilkeeda Yar.

Wiilka ay dhashay Ubax oo 16 sano jir ahaa ayaa ku safray taayarka Diyaarad duulimaad gudaha ah ku jirtay, waxaana wiilkan uu si nabad ah ku tegay kaddib markii uu hoos galay taayirka diyaarad, taasoo hawada ku jirtay muddo 5 saacadood ah.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay in aanu ogayn halka ay u socotay diyaaradda, oo isagu uu u haystay inay u socotay Soomaaliya, waxa uuna sheegay Wiilkan marka la weediiyay sababta uu diyaarada lugteeda ugu safray in uu doonayay in uu tago Soomaaliya si uu usoo arko hooyadiis oo muddo fog aanu arag.

Ubax Maxamed Cabdulle, ayaa markii Warkiisa ay maqashay la hadashay Idaacadaha iyo Telefishinada waxa ayna sheegtay in iyada iyo wiilkeeda lakala caydhiyay ayna keentay in nolosaha wiilkeeda oo mudo fog aanay arag ay halis gasho.

Waxaa hadda usuurto gashay Hooyo Ubax in ay dib ula midowdo caruurteeda oo aanay arag mudo aad u fog, waxa ayna sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in wiilkeeda iyo caruurteeda kalaba ay la midowdo.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment