Wednesday, April 15, 2015

Kenya Oo Shaacisay Muddo 10-Cisho ah Oo ay Muwaadiniinteeda Kooxda Al-shabaab Katirsani Isku Soo Dhiibi Karaan

rorcNairobi:April,15,2015(Himilo)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa Muddo Toban maalmood ah u qabatay Muwaadiniinteeda katirsan Kooxda Al-shabaab si ay isugu soo dhiibaan.

Joseph Nkaissery Wasiirka Amniga Gudaha Kenya ayaa ku wargeliyay dhallinyarada inay iska soo xaadiriyaan xafiisyada dowladda ee Nairobi, Mombasa ama Gaarisa.

Waxaa uu sheegay Joseph in dhallinta loo sameynayo mustaqbal wanaagsan iyo isdhexgal, haddii ay kasoo laabtaan Fikirka shabaabnimada ee ay aaminsan yihiin.

Wasiirka ayaa sidoo kale u sheegay waalidiinta ama ehelada carruurtooda la waayay ee u maleynaya in la xagjireeyay ama lagu dilay Soomaaliya ay iyaguna wargeliyaan xafiisyada dowladda ee Nairobi, Mombassa iyo Garissa.

Waxaa uu waalidka u sheegay in ay soo diiwaan geliyaan cidii ay ka shakiyaan ama baxsatay ee ay dhalleen haddii aanyay taas dhicin falka uu ilmahaasu geysto in loo xidhi doono waalidka diwaan gelin la’aanta uu sameeyay awgeed.

Dowladda Kenya ayaa hadda qaadeyso tallaabooyin dhowr ah oo ay ugu yaraan ku yareyneyso dhibaatada Al-Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka.

Ma Dhacdo in inta badan Xoogagga Al-shabaab ay u hoggaansamaan Muddooyinka la siiyo si ay iskugu soo dhiibaan, waxana aan natiijo fiicani ka dhalan muddooyin badan oo Xukuumadda Somalia sidan oo kale ugu wargelisay inay cafis u fidisay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment