Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga Madaarka Hargeysa, ayaa i shalay Warbaahinta u soo bandhigay Hubkaas oo uu sheegay inay saddexdii bilood ee u dambeeyey ku qabteen Kedinka ama Afaafka hore ee laga galo Garoonka diyaaradaha, kaasoo uu sheegay inuu isugu jiro Toorriyo, Middiyo, Soodhadh, Faashash iyo weliba Warmo.

“Waxaa Sharci-darro ah ama mushkilad ah in qalabka noocaas ah ee khatarta ku ah ammaanka inuu qofku ku soo talo-galo inuu Madaarka la galo, isagoo doonaya inuu Garoonka hawl ka qabsado.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Saldhigga Booliska Madaarka Hargeysa ee Cigaal Saalax Caarshe, waxaanu uga digay dadka hawlaha kala duwan u tegaya garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa ka digtoonaadaan inay haba-yaraatee wax hub ah iyagoo sita tagaan Madaarka, iyagoo Boolis ahaan mar walba iyagu gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ka saaran adkaynta iyo ilaalinta nabadgelyada Madaarka guud ahaan.
Taliye Saalax waxa uu sheegay inay ammaanka Madaarka kor u qaadeen, islamarkaana aanay suurtagal ahayn marna in qof la galo Maqas iska daa hub kale oo ka sii weyne, waxaanu sheegay in cid kasta oo isku dayda inay wax yeesho ammaanka Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Sharciga la tiigsan doonaan, sidaa daraaddeed, waxa uu soo jeediyey inaan qofna isku dayin inuu hub la galo gudaha Madaarka nooca uu doono ha ahaadee.
No comments:
Post a Comment