Monday, April 13, 2015

Shacabweynaha Reer Suudaan Oo U Dareeray Doorasho ay Qaadaceen Mucaaridka Dalkaasi

perxKhartoum:April,13,2015(Himilo)-Dadweynaha Reer Suudaan, ayaa saaka u dareeray Doorasho Baarlamaan iyo Madaxweynenimo oo dalkaasi ka dhici doonto, waxana Goobaha Codbixinta lagu arkayey shacab codkooda dhiibanaya.

Waa markii ugu horeysay oo dalka Suudaan ay doorasho ka dhacdo, tan iyo markii Suudaan ay kala go’day oo Koonfurta Suudaan ay noqotay dalka ka madaxbanaan Suudaanta kale, waxana Mucaaridka Dalkaasi shaaciyeen inay qaadaceen Doorashooyinkaas.

 

Dad gaadhaya 37-Milyan oo qof ayaa u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dalkaasi Suudaan.

Dalalka Reer Yurub oo xidhiidh aan wanaagsanayn la leh dalka Sudaan, ayaa sheegay inaanay doorashooyinnkani u muuqanin qaar xor ah, balse xukuumadda iyo inta Badan shacabka ayaa muujinaya inay waajibaadkooda Gudanayaan.

Saddex cisho oo ay doorashadan socon doonto, ayaa la filayaa in shacabka dalka Suudaan ay ku soo doortaan qofkii Hogaamin lahaa.

Cumar Xasan Al-Bashiir Madaxweynaha iminka haya tallada dalka Suudaan ayaa qabtay xilkan 1989, wuxuuna xilka hayaa ku dhawaad nus qarni.

Sanadkii 2009 maxkamada caalamiga ee Dambiyada ayaa amar ku bixisay in lasoo xidho Hogaamiyaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxase arrintaas cadho ka muujiyey Dalalka Reer Afrika, iyadoo sidoo kalena ay Shacabka reer Suudaan Muujiyeen Taageero laxaad leh oo ay madaxweynahooda u hayaan.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment