
Qaraal uu wasiirku soo saaray wuxuu ku sheegay in Guddida Caddaaladdu go’aamisay isku bedelka iyo shaqo eryidda garsooreyaashaj, waxana uu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:.
- Garsooreyaasha la Magacaabay
Yuusuf Liibaan Cumar, waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Maxakamadda rafcaanka ee gobolka Sanaag;
Maxamed Cabdillaahi Kabadhe, waxaa loo magacaabay Garsoore Maxakamadda Degmada Hargeysa;
- Garsooreyaal la bedelay
Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid, waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxakamadda degmada Hargeysa, waxaana loo bedelay garsoore Maxakamadda Gobolka Maroodijeex;
Mukhtaar Daahir Jibriil, waxaa laga bedelay Garsoore Maxakamadda Degmada Salaxley, waxaana loo bedelay garsoore Maxakamadda degmada Sayla;
Iliyaas Daa’uud Ibraahim, waxaa laga bedelay garsoore Maxakamadda Saylac, waxaana loo bedelay Degmada Sallaxley;
- Anixin iyo bedel kuxigeenno Xeer Ilaaliyeyaal Guud
Aadan Salaad Seed, waxaa loo ansixiyay bedelkii loo bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maroodijeex;
Yuusuf Biixi Maxamed, waxaa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Saaxil, waxaana loo bedelay Madaxa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Gabiley;
Xuseen Cali Khayre, waxaa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodijeex,waxaana loo bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Togdheer;
- Shaqo Ka saarid
Garsoore Cabdisalaan Xaaji Xirsi, waxaa laga saaray shaqadii Garsoorka;
Qoraalkan waxaa ku saxeexnaa Wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid
Himilo Media
No comments:
Post a Comment