Tuesday, April 14, 2015

Wasaaradda Duulista Hawada Oo Soo Bandhigtay Agab Halis ku ah Garoonka Cigaal International Airport Oo ay Gacanta Ku Dhigeen

mexHargeysa:April,14,2015(Himilo)-Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa soo bandhigtay walxo ammaanka garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Khatar ku ah oo ay gacanta ku dhiggeen muddadii Saddexda Bilood ahayd ee ugu dambaysay.

Taliyaha Ciidanka Madaarka Cigaal International Airport Kabtan Saalax Caarshe, ayaa soo bandhigay 82-walxood oo Hubka fudud ah, kuwaas oo uu sheegay inay Muddooyinkii ugu dambeeyey Gacanta ku dhigeen.

Taliyuhu waxa uu dadka uga digay inay agabkaas soo qaataan xilliyada ay garoonka imanayaan, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Qalabka aanu qabanay waxay iskugu jiraan Faashash, Toorriyo,Waxaa ku jira Warmo,waxaa ku jira wax laga sameeyay baangeyaal dhaadheer, waxaa ku jira bahalo laga sameeyay Kammaanno, waxaa ku jira Baaskoolado, dhamaan qalabkaas waxaanu ku qabanay kadinka hore ee Madaarka laga soo galayo” ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha Saldhiga Madaarka Kabtan Saalax Caarshe, ayaa Sharci darro ku tilmaamay in qalabkaasi lala soo galo Madaarka Hargeysa “Waxaa Sharci darro ah ama Mushkilad ah in Qalabka noocaas ah ee khatarta ku ah amaanka, inuu qofku ku soo talo galo inuu Madaarka la galo, isagoo doonaya inuu garoonka hawl ka qabsado”

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment