Tuesday, April 14, 2015

Qarax Khasaare Geystay Oo Kooxda Al-shabaab Ku Qaadeen Xarun Wasaaradeed Oo Muqdisho Ku Taalla

precMuqdisho:April,14,2015(Himilo)-Qarax Gaadhi loo adeegsaday oo ay weheliyeen Rag Hubaysan oo rasaas furayey, ayaa Maanta lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Hiddaha iyo tacsliinta sare ee Somalia, waxana Halkaas ka dhacay Khasaare Ballaadhan iyo Dhimasho iyo Dhaawac iskugu jiro.

Weerarkan waxa geystay Kooxo Al-shabaab katirsan, waxana ay Xaruntaas haysteen Muddo saacado ah, iyadoo haatan la filayo in Hawshaas ciidamadu soo afjareen.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarkaas la xidhiidha, ayaa sheegaya in ciidamo kala duwan oo kuwa AMISOM ku jiraan soo afmeereen Weerarkaas, isla-markaana xaaladda gacanta lagu soo celiyey.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa dilay afar kamid ah ragii weerarka ku galay xarunta Wasaarada, waxaana Ciidamada ay hada baadi goob ugu jiraan rag kale oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin raga weerarka geystay sida uu noo xaqiijiyay Wariye ku suigan Dhismaha Wasaradaasi.

Xaalada ayaa hada ah mid dagan , Ciidamada Gaashaan iyo kuwa MAISOM ayaana soo bad badiyay masuuliyiin iyo dad kale oo ku sugnaa dhismaha Wasaaradaasi, waxa ayna ciidamada hada wadaan xaqiijinta amaanka Wasaradaasi.

Ku dhawaan 10-qof ayaa ku dhintay Weerarkaasi ay ku jiraan dad shacab ah oo ku dhintay gaadhigii isku qarxiyay albaabka Wasaarada , waxaa sidoo kale jira dad kale oo badan oo iyana ku dhaawacmay Weerarkaasi.

Sargaal katirsan Ciidamada AMISOM iyo Sargaal kale oo Soomaali ah ayaa isna lagu soo waramayaa in lagu dilay Weerarkii lagu qaaday Dhismaha Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxaa sidoo kale qasaarooyin aan la cadeyn ay soo gaadheen Shaqaale iyo masuuliyiin katirsan Wasaarada Waxbarashada.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment