Waxa xubno ka ahaa Weftigan, ka sokow Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo tacliinta Sare, Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhista iyo Xannaanada Xoolaha, waxaanay sidoo kale Wasiirradani booqdeen Dugsiga Dhegoolayaasha Analina ee magaalada Boorama, kaasoo ay qalab Kumpuyuuterro ah gaadhsiiyeen. Waxa kale oo ay Gaadiidka loogu talo-galay Naafada u qaybiyeen qaar ka mid ah Naafada ku dhaqan magaalada Boorama.

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Waddadani waxa weeye waddo halbawle ah oo la marayo, waa waddo suurtagelinaysa in Beeraha iyo Xoolaha lagu xidhmo, waa waddo halbawle ah oo dadka deegaankan ku xidhaysa illaa waddada Jabuuti, waa waddo muhiim ah oo loo baahnaa.”
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in Qalabka ay Naafada Boorama gaadhsiiyeen u dhiibay Madaxweynaha Somaliland oo ka damqanaya baahiyaha Naafada reer Somaliland qabaan sida uu halkaas ka sheegay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
No comments:
Post a Comment