Nairobi, 14 April, 2015 (Himilo)- Hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa la sheegay inay talaalo sababaya ma-dhalaysnimo ka fuliyeen ololeyaal ay wadeen march ilaa Oktoobar 2014, oo dad da’doodu gaadhaysay 14 ilaa 49 laga talaalay Xannuunka Teetanada.
Ururka ay ku bahoobeen Baadariyada dalka Kenya oo gacanta ku haya cusbitaalo dalkaas u yaalla, ayaa sheegay inay weydiisteen caddeymaha talaalka Teetanada wasiirka Caafimaadka Kenya, James Wainaina Macharia, balse uu ku gacansaydhay inuu jawaab qancisa siiyo, kaddib markii sida ay sheegeen ka war-heleen warar sheegaya inay halis caafimaad leeyihiin talaalada teetanada.

Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa beeniyey in maadada βhCG ku jirto talaalada teetanada, balse guddiga Baarlamaanka Kenya u qaabilsan Caafimaadka ayaa Ururka Baadariyada Kenya iyo Wasaarada Caafimaadka labadoodaba ku wargeliyey inay caddaymahooda keenaan.
Balse, guddiga Baarlamaanka Kenya u qaabilsan Caafimaadka ayaa shaaciyey in wasaaradda Caafimaadku sheegtay inaanay baadhitaano ku samayn talaallada teetannada ka hor intaan dadka lagu mudin.
Paul Kariuki Njiru oo madax ka ah Ururka Baadariyada Kenya ayaa qoraal uu soo saaray 25 January ee sannadkan, waxa uu ku eedeeyey hay’adaha UNICEF iyo WHO oo labadooduba Qaramada Midoobay u kala qaabilsan Daryeelka Carruurta iyo Caafimaadka Guud iyo xukuumada Kenya inay u badheedheen talaalada teetanada oo uu ku dooday inuu keenayo ma-dhalaysnimo in lagu muddo shacabka Kenya. Waxa uu shacabka Kenya ugu baaqay inay iska ilaaliyaan talaalada nooc kastoo uu yahay, maadama halistiisu badan tahay.
“Talaalka teetanada oo saddex weji ahaa, qeybta saddexaad waxa ku jiray maaddo keenta ma dhalaysnimada, taasoo saddex sannadood dabadeed ku keenta haweenka lagu muddo in ilmahu ka soo qubto, ama ay uur qaadi waayaan,” ayuu yidhi Paul Kariuki.
Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka gaabsatay inay jawaab ka bixiyaan mar warbaahintu wax ka weydiisay natiijada laga soo saaray baadhitaanka lagu sameeyye talaallada teetanada.
Somaliland iyo Saamaynta Arrintan
In kasta oo dalka Kenya uu dhinaca farsamada iyo Aqoontaba kaga horreeyo Somaliland, isla markaana ay suurta-gal u tahay xaqiijinta iyo ilaalinta caafimaadka bulshadooda, waxa Somaliland laga fuliyaa ololeyaal tallaal oo magacyo kaal duwan xambaarsan.
Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo kaalin weyn ka qaadata hirgelinta wareegyo talaalo kala duwan oo guud ahaan dalka lagu baahiyo ayaa isweydiinteeda leh, kalsoonida lagu qabi karo, maadama aynu ognahay awooda aynu u leenahay baadhitaanada talaalada, oo hadii loo baahdo xitaa aynu u daba fadhiisanayno hay’adihii keenay inay soo sameeyaan.
“Wadankeennu ma laha shaybaadho lagu eego daawooyinka ay hay’aduhu inoo keenaan, iyaguunbaa dalka keena cidina kama baadho lagamana hubiyo, waayo aqoonteediiba ma lihin. Markaa runtii, waxaan aaminsanahay inaynu khatarba ku sugannahay,” Sidaas waxa Himilo u sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, kaas oo aanu wax ka weydiinnay halista caafimaadka ee shacabka ku leeyihiin daawooyinka hay’aduhu dalka keenaan iyo Kalsoonida Xukuumaddu ku qabto.
Xukuumadda Somaliland, ayaa hor u sheegtay inaanay aqoon u lahayn isla markaana aanay haysan qalabkii loogu talo-galay hubinta baadhitaannada daawooyinka tallaalka ee hay’adaha Caalamiga ahi keenaan dalka, balse ay jirto kalsooni ay ku qabaan iyo masuuliyad ay leedahay wixii ka yimaadda hay’adaha Qaramada Midoobay maadaama ay laga fuliyo oo Somaliland kala siman tahay meelo badan oo adduunka ah.
No comments:
Post a Comment