Waxa mahad leh Alleheena ina soo gaadhsiiyey bishan barakaysan ee Ramadaan weliba ka dhigay bil kaga duwan bilaha kale umuuro faro badan oo bilaha kale aanay lahayn,
1- Soonta ayuu Alle waajibiyey.
Bishan waa bisha Illaah waajibiyey ee ku gaar yeelay soonta sida Alle yidhi” qofkiina bishan soo gaadha ama xaadira ha soomo”
Fadliga ay leedahay Ramadaantuna waan soo sheegnay casharadii hore, waxa kale oo xusid mudan waa Rukni ka mid ah arkaanta islaamka,
Rasuulkeenuna SCW wuxuu yidhi : qofka sooma bisha Ramadaan Illaahay ayaa dhaafa denbigiisii hore.
2- Taraawiix ayay gaar la tahay.
Bishani waxay gaar u leedahay qiyaam ama taraawiix aanay bilaha kale lahayn taas oo qofkuna uu ka helayo fadli aad u badan sida uu sheegay Xabiibkeenu scw ee yidhi : qofka istaaga Ramadaan salaad isku taaga isagoo Illaahay ajar kaga doonaya oo rumaysan Illaahay denbigiisa ayuu dhaafaa hore uga dhacay.
3- Laylatul qadri ayay gaar la tahay.
Ramadaan waxay kaga duwan tahay Billaha kale waxa ku jira habeen aad u fadli badan oo la yidhaahdo laylatul qadri waa habeen ka fadli badan 1000 kun bilood.
Qur’aankuna sida aynu ku aragnay waxa ku jirta suurad dhan oo habeenkaas ka hadlaysa, Xabiibkeenuna wuxuu yidhi isagoo taas ka markhaati furaya : qofka isu taaga salaad habeenka laylatul qadriga Illaahay denbigiisa ayuu dhaafaa.
4-Qur’aanka ayaa la soo dejiyey Ramadaan.
Illaahay wuxuu yidhi swt “ bisha Ramadaan waa tii la soo dejiyey qur’aanka” Rasuulkeenuna wuxuu yidhi scw :suxufu Ibraahim waxaa la soo dejiyey habeenka koowaad ee Ramadaan, Towraadna waxa la so dejiyey iyadoo Ramadaan tahay lix, Injiilna waxaa la soo dejiyey Ramadaan oo ah toban, qur’aankana waxa la soo dejiyey Ramadaan oo ah 24.
Tani waxay inoo sheegaysaa xataa in kutubta la soo dejiyey dhamaantood bishan Ramadaan waana arrin u gaar ah Ramadaan,
5-Bishii Qur’aanka.
Bishan waxay kaga duwan tahay in qur’aanka si gaar ah uu u siin jiray muhiimad Rasuulkeenu sida uu sheegayo xadiiska ibnu cabaas Jibriilna ay wada akhrin jireen Ramadaanta,
Sidaas oo kale dadkii selefka ahaa markaan leeyahay selef waxaan uga jeednaa qarniyadii dahabka ahaa ee Rasuulku amaanay waxay samayn jireen qur’aanka bisha Ramadaan si gaar ah ayay u eegi jireen una akhrin jireen, qofba qur’aanka qofka uu uga akhrin badan yahay ayuu ka ajar badan yahay, Imaamu shaafici waxa la soo weriyey inuu 60 goor dhamayn jiray qur’aanka Ramadaanta dhexdeeda, taasi waxay ka dhigan tahay inuu qur’aanka maalintii laba goor dhamayn jiray.
6-Bishii Citikaafka.
Bishan si gaar ayuu Xabiibku ugu soo jeesan jiray citikaafka weliba tobanka danbe, Caa’isha Rc waxay tidhi: marka bisha Ramadaan qaybteeda ama tobankeeda danbe la gaadho wuxuu noolayn jiray habeenka reerkiisana wuu toosin jiray sidaas ayuu ka caado dhigtay ilaa uu ka geeriyooday scw.
7- Shaydaankaa la xidh xidhaa.
Shaydaanka nooca madaxa adag ayaa la xidh xidhaa Ramadaan waa waxyaabaha ay gaarka la tahay marka bisha Ramadaan timaado waxaa katiinado Rabaani ah lagu jebiyaa shaydaanadii madaxa adkaa Alle ha inaga badbaadiyo goor kasta.
8-Jannadaa furan, naartana waa la xidhaa.,
Waa sumadaha ay gaarka u leedahay Ramadaan wuxuu odhan jiray marka ay soo gasho Ramadaan nebigeenu scw “ waa bishii jannooyinka la furi jiray naartana la xidhi jiray Albaabadeeda.
9-Ajjarkaa la laban laabaa.
Wuxuu yidhi xabiibkeenu scw “Illaahay ayaa yidhi : camal kasta qofku isagaa leh soonta mooyee soonta anigaa leh waanan ka abaal marinayaa qofka sooma”
Halkaas waxaynu ka fahmaynaa in qofka sooma Illaahay ajar badan u qorayo weel wayna wax loogu ridi doono maalinta qiyaame, Alle ha inaga dhigo.
10-Malaa’iigtaa u ducaysa qofka sooman.
Waxaynu wada xasuusanahay xadiiskii sheegayey in jibriil u duceeyey cidii soonta ramadaan ee loogu denbi dhaafo, sidoo kale wuxuu habaaray cidii Ramadaanka ka faa’iidaysan wayda nebigeenuna SCW wuxuu yidhi: aamiin aamiin,
Ugu danbayntii camal kasta oo wanaagsan oo qofku qabto Ramadaan dhexdeeda wuu ka duwan yahay kana ajar badan yahay camal kasta oo uu qabto bilaha kale.
Sidaas darted waxaan ku soo ururin doonaa in bisha Ramadaan aynu dareensanaano qiimaha ay leedahay ooynu siino qadarkeeda iyo xushamadeeda kana faa’iidaysanaa maalmaha yare ee inagu hadhay.
Qalinkii :
Hussein jama Guudcade.
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment