Kooxda Boko Xaaraam, ayaa waxa u qafaalan illaa laba boqol (200) iyo dheeraad Gabdho dhalinyaro ah oo Ciyaala Iskuul ahaa, kuwaasoo ay dhawr bilood ka hor ka afduubeen Iskuul Boodhan ah ama kuwa Jiifka iyo Cuntada leh ah oo ku yaalla Bariga waddanka Nageria ka afduubay, kuwaasoo ay ku hanjabeen inay hab ganacsi ahaan ah u iibin doonaan.Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray baxsashada Haweenkan qafaalnaa, hase-yeeshee, sida ay sheegayaan ila-wareedyo Warbaahin kala duwani ka soo xiganayso Hay’adaha Ammaanka dalka Nageria, ayaa sheegaya in Haween ka badan 60 ay ka baxsadeen kooxda Boko Xaram oo ay u qafaalnaayeen muddo.
Warku waxa uu intaas ku daray inay Lixdankan Dumarka ah ee baxsaday ay ka tirsanaayeen 68 Haween iyo Gabdho isugu jira oo bishii lasoo dhaafay laga afduubtay meel u dhow degmada Damboa ee ku taal Waqooyi-bari ee gobolka Borno ee dalka Nageria.
Wararka ayaa sheegaya in haweenka ay soo baxsadeen, kadib markii ay kooxdii afduubka u haysatay duullaan ugu dhaqaaqeen Saldhig Ciidan oo ku yaalla goob u dhaw degmada Damboa Jimcihii ina dhaafay, markaasoo ay heleen fursad u sahashay inay ka fakadaan gacanta Kooxdaas afduubka u haysatay tan iyo bishii hore ee sannadkan.
Waxay Ciidammada Nigeria sheegeen in weerarkaas lagu soo qaaday ay ku dileen in ka badan 50 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Mintidka ah ee Boko Xaram. Kooxda Boka Xaram, ayay weli gacantooda ku jiraan in ka badan laba boqol oo Gabdhood oo ay bishii April ee sannadkan ka afduubeen Dugsi Boodhin ah oo ku yaalla Bariga Waqooyi ee dalka Nageria, kuwaasoo ay Muuqooda baahiyeen iyagoo dhammaantood u wada xidhay Xijaabka Diinta Islaamku ku waajibisay Haweenku inay ku labbistaan ama xidhaan.
Waxaanay Kooxda Boko Xaram ku hanjabeen inay iibin doonaan Gabdhahaas oo ay haysashadooda ku dalbanayaan in loo soo daayo Maxaabiis ay dawladda Nageria ka hayso, kuwaasoo ay sheegeen haddii dawladdu u soo dayso inay siideyn doonaan Gabadhahaas Ciyaal-iskuulka ahaa. Iyada oo ay dawladdu sheegtay toddobaadkii ina dhaafay inay Ciidanku gacanta ku dhigeen 3 ka tirsan Dumar Haweenka u qori jiray Kooxdaas, kuwaasoo ay Wasaaradda Caddaaladda Nageria sheegtay in Sharciga la hor-geyn doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment